Xoogagga Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku haynta degmada Bardaale ee Gobolka Bay.

Mujaahidiinta Al-Shabaab

Halkaan ka akhri

War saakey naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xoogaga Al-shabaab oo ka mid ah  Xoogaga Kacdoonada ka wada Soomaaliya ee diidan joogitaanka Ciidamada Ajaanibka ayaa la wareegay gacan ku heynta Degmada Bardaale ee Gobolka Bay oo Baydhabo u jirta qiyaastii 35Km.

Xaqiiqda warkan ayaa laga hayaa in Gudoomiyahii Maamulka Degmada Bardaale Mudane Yoonis Cali uu caddeeyey in Maamulkiisa lagala wareegay Degmada.Gudoomiyaha wuxuu intaas ku daray in ay isaga baxeen Magaaladaasi isaga iyo Maamulkiisiiba markii ay heleen xog ku saabsan in ay ku soo wajahan yihiin ee ah Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab madaama aaneey heysanin awood u dhiganta tan Ciidankaas.
Balse Xoogaga Mujaahidiinta Al-shabaab ee la wareegay gacan ku heynta magaaladaasi ayaa dadka ku dhaqan magaaladaasi kula hadlay meel fagaare ah ayagoo u sheegay in laga bilaabo maanta aan wax canshuur ah laga qaadi doonin isla markaana ay iyagu la wareegeen maamulka magaaladaasi waxeyna iridaha isugu dhufteen dhowr Shineemo oo halkaasi ka furnaa.

Si kasta ha ahaatee Xoogaga Al shabaab ayaa hore ula wareegay gacan ku heynta dhowr magaalo oo ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool, hase ahaatee ay isaga soo baxeen, waxaana la ogeyn inta ay sii joogayaan Magaaladaasi.

SomaliSwiss  Baydhabo

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: