Afhayeenka MMIS
Halkaan ka akhri
Afhayeenka dhinaca howlgalka ee Golaha Midowga maxaakimta Islaamka Sheikh C/Raxiim Ciise Cadow ayaa ka warbixiyay qaar ka mid ah Warbaahinta dalka weerarkii shalay lagu beegsaday kolonyo baabuur Ethiopiyaan ah oo marayey meel u dhexeysa degmada Leego iyo degmada Buur Hakaba.
Sheikh C/raxiim ayaa sheegay in ay halkaas ku gubeen 3 kamid ahaa gaadiidka ciidamada Itoobiyaanka ee Uuraalaha loo yaqaano iyadoona ay taasi keentay khasaare aad u xoog badan oo soo gaaray ciidanka Ethiopia ah.
Warku wuxuu intaasi ku daray in weerarkaasi loo adeegsaday qaraxyo iyo baasuukayaal lala dhacay gawaarida Itoobiyaanka,waxaana uu adkeeyay dhankooda waxyeelo in aysan ka soo gaarin weerarkaasi.
Dadka deegaanka oo Goobta uu weeraraka ka dhacay ka ag-dhawaa ayaa sheegay in weerarkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Ethiopia, lana soo arkay gawaaridii laga gubay oo goobta ku basbeelay.
Balse dadka deegaanka waxay kaloo ay sheegeen in Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay qab qabteen dad rayid oo xoola dhaqato ah oo ka ag dhawaa goobta weerarka lagula beegsaday mana la sheegi karo halka ay u wateen.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.