Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay in ay ka sameeystaan Gobollada iyo Degmooyinkooda Maamul Ka Madax Bannaan Dowlada.

Nabaddoon Axmed Diiriye

Halkaan ka akhri

Baaq ay soo saareen maanta Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku guubaabiyey in Shacabka Soomaaliyeed in ay Sameeystaan Maamulo U gaar ah oo ka Madax Banaan Dowlada, Maadaama ay Dowlada ku Fashilnatay Sugida Amaanka Dalka.

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo Xalay u waramayay Barnaamijka Qubana Shabelle ayaa Ugu baaqay Shabacka Somalied ee ku dhaqan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka in ay sameeystaan Maamulo Deegaan oo Dowlada Ka madaxbanaan Maadaama uu dalka ka jirin Dowlad wax ka qabata dhibaatooyinka ka jira dadka.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali wuxuu sheegay in dowlada KMG ah ay magac ahaan u jirto oo kaliya isla markaana ay ku fashilantay Wax ka qabashada Amaanka dalka iyo wax u tarida dadkeeda, Taasoo keentay in dadka Ay iskooda isu abaabulaan si ay wax u qabsadaan.

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Calin ayaa sheegay in Shalay Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud looga Dhawaaqay Maamul Ka Madax banaan Dowladaku sheegga oo daba dhilifka u ah Cadowga soo jireenka ah ee Ethiopia.

Uga dambeyntii Nabadoon Axmed Diiriye  wuxuu sheegay in dhowr degmooyin kale ay horay uu sameysteen Maamulo Ka Madax Banaan Dowlada Looga Dhawaaqay Gobolada ka mid ah Dalka Sida Gobolada sh/dhexe iyo deegaano ka Mid ah Jubooyinka oo aan dowlada hoos tagin.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: