Ahmedou Ould Abdalla oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay in muhiimda Gaar ah siiyaan Arrimaha lagu nabadeynayo dadka dalka Soomaaliya.

https://somaliswiss.files.wordpress.com/2008/05/ahmedou11.jpg?w=286&h=231

 Ergeyga QM Soomaaliya

News Somali & English

Halkaan ka akhri

Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arimaha Somalia ayaa beesha Caalamka ugu baaqay inay xoogga saaraan. Isla markaasna  ay Muhiimad gaar ah siiyaan arrimaha lagu nabadeynayo dadka dalka Soomaaliya, ka dib markii shalay galinkii dambe uu dalka Jabuutu shir uga furmay kooxaha Mucaaradka iyo DowladdaKM.

Ahmedou Ould-Abdalla oo ka hadlayay Xafladii furitaanka Wadada hadalada kooxaha Soomaalida ku dhaxmaraya Xarunta Madaxtooyada ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in uu si Aad ah ugu faraxsanyahay in hogaamiyaasha iska soo horjeeda ay Muujiyaan sida ay diyaarka ugu yihiin in dalka Somalia ay ka saaraan dhibaatada uu ku jiro Muhiimadna ay siiyaan arintooda.

Intii lagu guda jiray Xaflada ayaa waxaa ka hadlay Wadamo badan oo aduunka ka mid ah Sida ururka Midoowga Africa,Jaamacada Carabta iyo Midawga Yurub,waxaana shirka ka hadlay Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arimaha Somalia,sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiirka dowlada Jabuuti u qaabilsan arimaha diinta.

Ahmedou Ould-Abdallah waxa uu sheegay in dhiiri galin badan uu ka helay dhinacyo Badan waxaana uu sheegay in Soomaalida ku nool dibada ay si weyn u soo dhaweeyeen arinkaasi, wuxuuna Sheegay in ay muujiyeen taageerada ay u haayaan hanaanka Nabadda iyo sidii dhibaatada looga saari lahaa dalka Soomaaliya.

Ergayga gaarka ee QM ee arrimaha Soomaaylia ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada isku haaya siyaasada Soomaaliya in ay dhameeyaan Caqabadaha siyaasadeed si looga hortago Musiibo bina aadnimo oo ka dhacda dalka Soomaaliya islamarkaana ugu baaqay kooxaha Soomaalida inay miiska soo saaraan wax ay dadkooda ku farxaan.

Ugu dambeyntii Ergaygu wuxuu Beesha Caalamka ka codsaday in ay Muujiyaan dulqaad dheeri ah islamar ahaantaana aysan ka tagin dadka Soomaaliya ,waxaana u mahad celiyay Dowladda Jabuuti sida ay u ay marti galisay Shirka dalkeeda uga furmay Dowladda KMG ag iyo Mucaaradkeeda iyo kooxihii fududeeyay in uu qabsoomo wada hadalkaasi.

SomaliSwiss Djabuti

SomaliSwiss@hotmail.com 

UN urges breakthrough as Somalia peace talks open

 

DJIBOUTI (AFP) – The UN’s Somalia envoy called Monday on Somalia’s main political rivals to seek an end to years of bloodshed as peace talks opened Monday in Djibouti.

“I call on them to think of the terrible political, security and humanitarian crisis in their country and put all their efforts into resolving it,” said envoy Ahmedou Ould-Abdallah.

 

His statement said he was “pleased that Somali leaders have put the wellbeing of their country and the safety of their countrymen as their priority.”

The opening of the talks had been due to take place on Saturday but was delayed as some delegates had yet to arrive in Djibouti.

Ould-Abdallah has already met separately with leaders from the transitional government and the Asmara-based opposition Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS).

Ould-Abdallah will seek to build trust between the two sides, although Islamist leaders and allied hardline clans are boycotting the talks as they did in 2007 when the last attempt to reconcile the political rivals failed.

The fresh drive to bring all parties to the negotiating table comes after Nur Hassan Hussein replaced Ali Mohamed Gedi as prime minister.

The talks will be held against a backdrop of daily clashes between Islamist insurgents and Ethiopian-backed Somali government troops.

On Monday, at least three civilians were killed following an insurgent attack against an Ethiopian military convoy south of the capital Mogadishu, witnesses said.

Islamists have said they will not negotiate with the government until the Ethiopian army, which came to rescue of the embattled government in late 2006, leaves Somali soil.

The restive country has been devastated by almost uninterrupted civil conflict since the 1991 ouster of former president Mohamed Siad Barre which has defied at least a dozen peace initiatives.

Source AFP

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: