Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo.

Booqo www.SomaliSwiss.net

Baydhaba Jannaay

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta magalada baydhabo shir Jaraa`Id ku qabtay qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka KMG ah, wuxuuna shirka Jaraa’id uu ku saabsanaa sicir bararka saameeyey quutul daruuriga, daabacaadda lacagaha been abuurka ah in dalka la soo galiyay, sidaas waxaa sheegay Xildhibaan Siid Cali Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada maanta shirka jaraa`id qabtay.

Shirkan Jaraa`id oo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG ah, ay sida wada jir ah ugu qabteen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa waxaa loogu hadlay sicir bararka dalka ka jira iyo diidmada lacagta duugoobay iyo tan jeex-jeexan.

Mudanayaasha shirka jaraa’id ku qabteen Magaalada baydhabo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ganacsatada diiday Isticmaalka lacagaha jeex-jeexan iyo midda duugta ah ee Shilin Soomaaliga, taasina ay keentay in dadka qaar saameen xoogan ku yeelato xaalada cakiran iyo sicir barar ee ka jirta dalka.
 Balse dhibaatooyinka Dhinaca sicir bararka ku aadan ayaa mudanayaasha ay dusha kaga tuureen xukuumadda uu hogaamiyo Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo sicir bararka ay tilmaameen in ay ku lugleeyihiin.
 Hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo baarlamaanka KMG ah uu ka hadlo arimaha sicir bararka oo saameeyn xoogan ku yeeshay guud ahaanba xaalada nolodeed midda dhaqaale ee ka jirta dalka.iyada oo dhinaca kale aysan jirin wax qabad ku aadan arintaas oo DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ku dhaqaaqdey.

Si kasta ha ahaatee eedeynta cusub ee ku aadan sicir bararka ka jira qeybo badan oo ka mid ah Dalka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka KMG ah uu dusha uga tuurey Dowladda KMG ah, ayaa ku soo aadeysa xilli xubno badan oo ka mid ah Barlamaanka ay qorsheynayaan mooshinka dhan ah dowladda Nuur Cadde.

 

 

 

SomaliSwiss  Baydhabo

 

 

 

%d bloggers like this: