Booqo www.SomaliSwiss.net
Xarunta Barlamaanka
Halkaan ka akhri
Mooshin ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay soo diyaariyeen .Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa la hor keeni doonaa Barlamaanka fadhiidka ee xaruntiisa tahay magaalada Baydhabo.
Mudunayaasha wada Mooshinkan ayaa waxaa ka mid ah Madoobe Nuunow Maxamed, Dr. Khaalid Cumar Cali, Aamina Maxamed Mursal, Dr. Cali C/llaahi Cosoble,  Maxamed Yuusuf Weyrax iyo xubno kale, waxayna ku doodayaan in ay baarlamaanka hor-geynayaan, isla markaana ay ka takhalusi doonaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Xildhibaanadan ayaa waxay ku eedeynayaan dowladda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in aysan wax badan ka qaban waxyaabihii ay ballanqaaday markii la soo dhisay oo ay ka mid ahaayeen in ay ka shaqeyneyso sugidda ammaanka dalka iyo weliba dib u heshiisiin, iyagoo Ra’iisal Wasaarahana si gaar ah ugu eedeynaya in uusan si wanaagsan uga jawaabin su’aalo ay dhawaan ku weydiiyeen baarlamaanka hortiisa.
Hase ahaatee Mooshinka ay Xildhibaanadan soo diyaariyeen ayaa weli loo gudbinin Guddoonka Baarlamaanka, waxaana weli socda is-uruursi ay wadaan Xildhibaannada ka soo horjeeda Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo kala bar xubnaheeda ay ka yimaadeen Dibadda Baarlamaanka.
Sida caadada u noqotay Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay inta badan ay waqtigooda ku qaatay magaalada Baydhabo, iyadoo howshoodu noqotay inay ku mashquulaan dhisidda iyo duminta Xukuumadaha marka la soo dhiso, hase yeeshee waxaa hadda la doonayaa in qarka laga tuuro Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde.
Si kasta ha ahaatee Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa dhawaantan uu hortegay Baarlamaanka, isla markaana uu ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen Mudanayaasha Baarlamaanka, kuwaasi oo ku saabsanaa Ammaanka, Dib u heshiisiinta, Sida loo maamulo Dhaqaalaha soo gala Dowladda, Sicir Bararka iyo weliba Dhoofinta Kheyraadka Dalka ka soo go’a.
SomaliSwiss  Baydhabo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.