dhaq-dhaqaaq Ciidan
Halkaan ka akhri
Sida la sheegayo dowladda Ethiopia waxay soo abaabushay Ururo Mucaarad ku ah Dowlada uu Madaxda ka yahay Isaias Afwerki, Ururradaas oo isbahaysi ku sameystay dalka Ethiopia, waxayna wacad ku mareen in ay sameynayaan kacdoon shacbiyeed oo lagu afganbinayo Afwerki.
Tirada Ururadan oo gaaraya 13 Urur ayaa sameystay Isbahaysi la magac baxay “Isbahaysiga Dimuqaraadiga Eritrea†waxaana ku bahoobay xubno eritriyaan ah oo qurbo joog ah, waxayna sheegeen in ay sameynayaan waxay ku tilmaameen Urur wadani ah oo xaqiiqo ah si ay xukunka ugala wareegaan Isaias Afwerki.
Ninka uga sarreeya Isbahaysigan oo lagu magacaabo Xabtii MiriamTesfa ayaa warfidiyeenada u sheegay “waxay xaliyeen khilaafyadii u dhaxeeyay 13-ka urur, waxayna wada gaareen heshiis nagu kaalmeynaya in aan bilowno kacdoon shacbiyeedâ€.
Hase ahaatee MiriamTesfa wuxuu shaaca ka qaaday in haddii ay xukunka eritrea la wareegaan ay wada hadal ku xalinayaan khilaafka xuduudeed ee u dhaxeeya eritrea iyo Itoobiya.
Nin magaciisa la sheegin oo Itoobiyaan ah ayaa BBC-da laanteeda Af-carabiga u sheegay in Ururadan Mucaaradka ku ah Eritrea ay ku kulmeen Itoobiya sababtana waxa uu ku sheegay in aysan jirin Isbahaysi Mucaarad Dimuqaraadi ah oo Eritrea-yaan ah.
Balse illaa iyo hadda ma jiraan mas’uuliyiin Eritrea oo ka hadashay Isbahaysigan cusub ee lagu dhisay Itoobiya si xukunkooda looga fara maroojiyo.
Si kasta ha ahaatee waxaa si aad u socdo oo cirka isku shareeray dhaq-dhaqaaqyada Milatari ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea kuwaas oo dagaal kulul uu dhex maray 1998-2000 isla markaana ay ku waxyeeloobeen dad iyo askar gaaraysa 70 kun, waxayna labadan dali mid waliba isku eedeeyaan in uu ku soo abaabulo ururo la dagaalama.
Â
Â
 SomaliSwiss Addis-ababa
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.