War Deg deg ah
Halkaan ka akhri
Warar Goordhaw nagasoo gaaray magaalada Baydhabo xarunta Gobalka Baay ayaa sheegaya in Baabuur Tikniko ah oo ka mid ah kuwa ciidamada Dowlada KMG Lagu qarxiyey Inta u dhexeeysa Magaalada Baydhabo iyo Xerada Ciidamada Daynuunaay ee Duleedka Magaalada.
Sida lagu soo warramay Baabuurkaasi ayaa lala helay Qarax Miino nooca Meelaha fog laga hago ah ay Gebi ahaanba bur buray sida wararku nagu soo gaarayaan iyadoo halkaasin eey ku geeriyoodeen ugu yaraan 3 ka mid ah Askartii saarneeyd, sidoo kale waxaa ku dhaacmay 6 Askari oo la socday baabuurka qaraxa la kacay, balse 4 ka mid ah askartaas ay dhaawacooda aad u Culus yahay .
Hase ahaatee qaraxaas oo ahaa mid aad u xoogan lagana maqlayey Gudaha magaalada Baydhabo ayaa sida u kusoo waramyo Wariyaheena Magaalada Baydhabo waxaa dhaawicii la geeyey oo lagu daweeynayaa hada isbitaalka magaalada.
Si kasta ha ahatee ma jiro war ka soo baxay Maamulka Magaalada Baydhabo oo ku aadan Qarax ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo
SomaliSwiss Baydhabo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.