Dad Dibad baxaya
Halkaan ka akhri
Wararka maanta naga soo gaarayaa magaalada Muqdisho ayaa shwwgaya in deegaano ka mid magaalada Muqdisho ay maalintii 3aad markale isku soo baxay boqolaal qof oo ka mid ah dadka deegaanka Dharkeynley kuwaasi oo ka soo horjeeda qaadasho la’aanta lacagaha duugga ah, xili qeybo ka mid ah magaalada ay lacagtaasi ka socoto.
Balse dadka dibad baxa dhigaya ayaa ka yar intii markii hore ay ahaayen labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaana ay ka cabanayaan wali deegaankooda in aysan ganacsato qaadaneyn lacagaha duugga ah.
Ciidamo ka tirsan Booliska dawladda la shaqeysa gumeysiga Ethiopia ayaa in badan oo ka mid ah ganacsatada xabsiga u taxaabay iyadoona ay dadka haatan ku xoon san yihiin goobaha ganacsiga iyo wadooyinka deegaankaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa soo maray 18Sano bannaanbaxyo ujeedooyinkooda kala geddisan, balse shacabka tani way ku mideysan yihiin, waayo waa maalinkii 3aad ee dibad baxyo ay ka soconayaan deegaano ka mid ah magaalada Muqdisho kadib markii ay shacabka ay cuna qabateeyeen kuwo lacago been abur ah dalka soo galiyay isla markaana bilaabay in la diido qaadashada lacagaha duugga ah.
Si kasta ha ahaatee  magaalada Muqdisho waxaa bilaabmatay in laga qaato lacagaha kadib markii shalay kulan ballaaran uu ka dhacay masaajidka Abaa Hureyra ee suuqa Bakaaraha halkaasi oo qaadashada lacagaha duugga ah lagu go’aamiyay.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.