Sheikh Shariif iyo Nuur Cadde oo loo maleynayo inay kulan horudhac ku yeeshaan magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Sh. Shariif & Nuur Cadde

Halkaan ka akhri

Ilo wareedyo aan weli la shaacin ayaa wuxuu sheehayaa in gudoomiyaha Golaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed, Sheekh Sheekh Axmed oo booqasho ku jooga Caasimadda wadanka Masar ee Qaahira uu kulan hordhaca la qaadan doono, Ra’iisul-wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

 Ra’iisal-wasaaraha xukuumada  ku meel gaarka ah ayaa galabta ka duulay garoonka diyaaradaha oo shalay galab ka ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaas Bay, ayaa sida la sheegay guda galay safaro ku wajan wadano dhowr ah oo ay ka mid yahay dalka Masar oo mudooyinkii dambe dadaal ugu jirtay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha murugsan ee ka tagaan gudaha wadanka Soomaaliya.

 Hase ahaatee Ra’isal-wasaare Nuur Cadde ayaa Baydhabo ka ambabaxay waxyar ka gadaal markii ay Mudanayaasha golaha Barlamaanka uu  kala hadlay arrimaha muhiimka ee xukuumadu ay qaadeyso bilaha soo socda.

 Hase yeeshee war aan la shaacin ayaa sheegayaa in Ururka Isbahaysiga uu ka cagajiiday in uu ka qayb galo shirka loo ballansan yahay inuu ka dhaco magaalada Jabuti 10ka bishan, waayo Isbahaysiga ayaa diidan falalka wuxuushnimada ah ee lagula kacayo umadda Soomaaliyeed toddobaayadii tegay. Balse waa la arki doonaa sida ay arrintu ku dhamaato.

 SomaliSwiss  Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: