Qaxar lala beegsaday Ciidamada Ethiopia oo ka dhacay agagaarka Suuqa Toowfiq ee Degmada Yaaqshiid, Sababayna dhimasho iyo dhawac.

Qarax Xooggan

Halkaan ka akhri

Koolanyo baabuurta Ethiopian ah oo marayay Agagaarka Suuqa Towfiiq ee Magaalada Muqdisho ayaa Weerar ka dhan ah lagu qaday, waxaana loo adeegsaday Miinada meelaha Fog laga hago, weerarkaas oo ay ku nafwaayeen inta la ogyahay 3 ka mid ah Ciidamada Ethiopianka waxaana sidoo kale soo gaaray dhawac aan la ogeeyn Tiradooda.

Waxaa lagu soo warramayaa in qaraxan uu ahaa mid aad u xoogan, lagana maqley qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, ayaa sida wararka laga helayo ay sheegayaan in lagu weerarey laba Gaadhi oo ay wateen ciidanka gumeysiga Ethiopia oo kala ahaa Booyad iyo gaari yar oo Mark two ah, weerarkaas oo ka dhashay Dhimashada iyo dhaawaca soo garay Ciidamada Ethiopainka iyadoo gaarigii uu haleelay qaraxana uu gabi ahaanatiisaba bur buray.

ka dib markuu dhacay qaraxaas ayaa waxaa goobtaas laga maqlayey Rasaas xoogan oo ay isweeydaarsadeen ciidamada Ethiopianka ahaa iyo xoogaga ka soo hor jeeda oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeeyn halkii qaraxa uu ka dhacay, balse ay dagaal culus isku weeydaarsaday qaddar ku dhawaad nus Saac ah oo si weeyn looga maqalayay Rasastii la isku weeydaarsanayay qeybo kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee iska Hor imaadka ayaa wuxuu Sababay in uu hakad ku yimaado isu socodka Gaadiidka iyo Dadkaba ee wadada Warshadaha, balse markii ciidamada Ethiopianka lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan Fariisinkii ay markii hore ka soo kaceen ee Agagaarka Hotel Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, uu billaabmay isku socodkii waddadaas.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: