Maxamed Dheere
Halkaan ka akhri
Raiiāsul-wasaare ku Xigeenka dowladda KMG, ahna Wasiirka Warfaafinta ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia Axmed Cabdisalaam oo shalay Ka hadlay xaflad lagu maamusayey Maalinta Xuquuda Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in uu jiro qorshe ah in maamulo loo sameynayo gobolada Dalka oo uu ugu horeeyo kan Gobolka Banaadir oo ay dowladiisu wado, ayaa waxa arintaa si aad ah,Ā uu madax xanuun uga dhacay ee uu jawaab kulul ka bixiyey Maxamed Dheere oo Dowladda Ethiopia u qaabilsan Gudoomiyanimada Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisha.
Hase ahaatee Maxamed Dheere oo warka ka soo yeeray Axmed C/salaam ka jawaabaya ayaa waxa uu ku sheegay inay taha mid isaga ku gaar ah oo dowlada inteeda kale ayna la qabin oo aan la ogeyn, wuxuuna intaas ku daray in arrimaha Gobolka Banaadir aanu ka hali Karin Raiiāsul-wasaare ku xigeenka, uusan u laheyn awood in uu arrimahaas ka hadlo, balse ka hadli karo oo keliya maamul u sameynta gobolada Dalka Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha.
Wuxuu kaloo uu intaa ku darey Maxamed dheere in Axmed c/salaam ay la gudboon tahey in uu meel uga soo baxo shaqda uu ka hayo DKMG ah, waayo ayuu yiri, Maxamed dheere in Axmed c/Salaam xitaa Wasaaradiisu ayna laheyn waxa xafiis ah oo ay ku shaqeyso.Ā
Maxamed Dheere oo ka hadlayey Gole Deegaan oo uu sheegay Axmed c/salaam loo sameynayo Gobolka Banaadir ka dibna ay soo dooranayaan cidda ay doonayaan uu sheegay Maxamed dheere in haddii arrintaa ay dhacdo xaq uu leeyahey in uu isa soo sharaxo, lana dooran karo.
Si kasta ha ahaatee, tan iyo markii la soo magacaabey Nuur Cadde waxa jirey warar hoose oo la isla dhex marayey oo shaageyey in ay jiraan qoryashaal uu xilalka uga qaadayo xubno badan oo ka mid ah madaxda DKMG ah gaar ahaan qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka iyo maamulka Gobolka Banaadir, taasi oo Axmed C/salaam ka dhawaajiyey ee dooda weyna ka muujiyey, kicisayna Maxamed Dheere.
SomaliSwissĀ Muqdisho
Ā
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.