Ciidamada Amison
Halkaan ka akhri
Gudoomiyaha xiligan ee Midowga Afrika,ahna Mdaxweynaha dalka Tanzania Jakaya Kikwete iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku booriyay dowladaha afrika in ay Soomaaliya u soo diraan ciidamo dheeri ah oo ay ku sheegeen kuwo lagu xooginayo kuwa hadda ku sugan gudaha Soomaaliya.
Xafiiska madaxweynaha Uganda ayaa la sheegay inuu ka soo baxay bayaan in Gudoomiyaha Midowga Afrika Jakaya Kikwete iyo Yoweri Museveni ay ku baaqeen in si deg deg ah loogu baahanyahay ciidamo dheeri ah oo loo diro Soomaaliya isla markaana ugu yeeray dowladaha afrika ee ku yaboohay in ay ciidamo u dirayaan Soomaaliya in ay fuliyaan balantii ay qaadeen.
Balse bayaankan ayaa soo baxay ka dib markii Kikwete uu kulan kula yeeshay Museveni Magaalada kanbaala ee Caasimadda dalka Uganda, oo uu Booqasho ku tagay, waxayna ka wada hadleen dhibaatooyinka ka jira qaar ka mid ah dowladaha Afrika.
Mas’uuliyiintan ayaa ku baaqay in la isku dubo rido shir madaxeed deg deg ah oo looga wada hadlayo xaaladaha adag ee ka soo cusboonaaday wadamo ka mid ah Qaarada Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya.
Ciidamada ka socda Midowga afrika isla markaana ku sugan magaalada Muqdisho ayaa tiradooda lagu sheegay 1650 askari oo Uganda ah iyo 850 askari oo Burundi ah, waxaana ciidamadani ilaalo ka hayaan xarumaha ugu muhimsan ee ay degan yihiin Madaxda la shaqeeya Gumeysiga Ethiopia iyo waliba kuwa Ethiopiaan ah.
Sida la sheegay oo lagu soo eedeeyey ciidamada Amison inay siiyaan kaalmooyin toos ah iyo kuwo dadbanba Ciidamada gumeysiga Ethiopia, mana ka hadlaan xasuuqa arxan darada ah ee ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ka geystaan gudaha Dalka Soomaaliya.
Source  AFP
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.