Booqo www.SomaliSwiss.net
Xarunta Barlamaanka
Halkaan ka akhri
Axmed Maxamed Cabdi oo ka mid xil dhibaanada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ee fadhigiisu yahey xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo oo shir jaraa’id ku qabtey maanta Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu iska casiley kursigii Beeshiisa ugu fadhiyey Baarlamaanka.
Is casilaada Maanta uu Axmed Maxamed Cabdi, uga dhawaaqey Magaalada Baydhabo ayuu sabab uga dhigey sida uu sheegay in wakhtiga adag ee ka jira Dalka owgeed ayna jirin meel lagu shaqeeyo iyo wax laga shaqeeyo, isaga oo intaa ku darey in Dowlada iyo Baarlamaankuba yihiin fadhiid wax hormar ah oo la qabteyna ayna jirin.
Waxa sidoo kale uu sabab uga dhigey is casilaadiisa Axmed Maxamed Cabdi in ay jiraad owoodo ka imaanaya dhinaca dibada,oo saameyn ku leh wadida howlaha Baarlamaanka iyo tan Dowlada KMG ah intaba.
Balse sida uu sheegay Xildhibaanku in arrintan loo qaadan karo faragelinta Ciidanka gumeysiga Ethiopia ku hayso howlaha Baarlamaanka iyo Dowladduba oo markii horeba soo gacaleysatay in Ethiopia Ciidamo ka soo ergato.
 Axmed Maxamed ayaa sheegay in Baarlamaanku aanu si cad ula xisaabtamin Dowladda KMG ah, isaga ee uu sheegay in laga cago jiidayo in si cad wax looga warsado wax qabadkeeda intii ay jirtey.
Sababta arritan dhalisay ayaa la leeyahay in shaley Su’aalo badan Baarlamaanka KMG ah hortiisa lagu weydiiyey Nuur Cadde oo hor tagey Baarlamaanka, in badan oo ka mid ah su’aalahaasna jawaabo ka bixiyey, iyada oo laga yaabo in Xildhibaanka is casiley Maanta iyo qaar badan oo ka mid ah Baarlamaanka saluugeen jawaabaha uu bixiyey Nuur Cadde.
Balse waxa jira qaar badan oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka DKMG ah, oo aan la dhacsaneyn sida ay wax ku socdaan, si cadna aan fikirkooda Saxaafada uga cadeyn Karin, maadaama Xarunta ay shirarka ku yeeshaan ee Baydhabo amaankeeda guud ay dusha ka ilaaliyaan Ciidanka gumeysiga Ethiopia ee halkaa ku sugan, sidoo kalena aysan awood u laheyn in ay ka baxaan magaalada baydhabo oo fariisinkoodu yahay barlamaanka.
SomaliSwiss Baydhabo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.