Dhaawaca Qaraxa
Halkaan ka akhri
Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa duhurnimadan ka dhacay qarax loo adeegasaday Bamka gacanta laga tuuro ayaa la sheegay in weeraray Taliyaha Booliska Suuq Bacaad xilli uu marayay gudaha xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.
Kadib markii qaraxa uu dhacay ayaa la sheegay in ilaaladii wehelisay Taliyaha ay rasaas xoogan fureen, waxaana goobtaasi ku dhaawacmay 3 qof oo rayid ah inta la ogyahay, balse taliyuhu uu ka badbaaday qaraxaas.
Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Mudane Muxudiin Xasan Jurus ayaa sheegay in taliyihii iyo askartii la socotay aysan waxba soo gaarin isla markaana hadda uu xaalku degan.
Suuqii degmada Yaaqshiid oo qaraxa awgiis hakad galay, ayaa la sheegay inuu dhaq- dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodkii gaadiidka intuba ay dib waxa yar ka dib uga bilawday ganacsigiina uu si caadi ah u shaqaynayo.
Â
Â
Hase yeeshee ma ahan markii ugu horeeysay ee qarax sidan oo kale ah lala eegto Cidamada Dowlada KMG Soomaaliya, balse inta badan iska hor imaadyada iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dhibaatada ugu daran ka soo gaartaa Dadka Shacabka ah oo mar waliba lagu dul dagaalamo.
Â
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.