Sheikh Xassan Daahir iyo Sheikh Shariif oo si kulul uga hadlay Fal-gallada Mareykanka iyo Ethiopia ay ku xasuuqayo Shacabka Soomaaliyeed.

Hogaanka Isbahaysiga

Halkaan ka akhri

Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay isaga baxayaan wada hadalada dib u heshiisiinta ah ee lagu wado in Dalka Jabuuti ay ka bilowdaan 10 bishan hadda lagu jiro, ka dib markii ay Ciidamada maraykanku duqeyn ka geysteen Magaalada dhuuso mareeb oo keentay in uu ku geeriyoodo xubno sar sare oo ka mid ah Mujaahidiinta Al-shabaab sidaas waxa laga soo xigtay barta internetka Aljazeera.net.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta ayaa wuxuu duqeyntii Maraykanku ee degmada Dhuusamareeb ku tilmaamay inuu ula dan lahaa in uu carqaladeeyo wada hadalada dib u heshiisiinta ee ay wado Qaramada Midoobey.
Sidoo kale sheekh shariif wuxuu xusay in Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab aysan ahayn kuwo laga faquuqayo MMIS, wuxuuna labaduba ku tilmaamay kuwo udub dhaxaad u ah Isbahaysigooda Dib u Xoreynta Soomaaliya.
 
Waxaa sidoo kale  dhacdada duqeynta ka hadlay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isaguna ku tilmaamay falalkii ugu dambeeyay ee lagu dilay Alle ha u naxriistee Aadan cayroow iyo waliba dad kale oo rayidka ahaa ee ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ka geysteen Soomaaliya mid shaki galin karta wada hadalada dib u heshiisiineed ee ay wado Qaramada Midoobay ee lagu wado in 10 bishan lagu qabto Dalka Jabuuti kaas oo u dhaxeeya DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u xoreynta.

Si  kasto ha ahaatee war laga sii daayey Tvga Universal ayaa Sheikh Shariif ku sheegay in kulankaas uu ka dhexeeyo Qaramada Midoobey iyo Isbahaysiga looguna hadlayaa sidii la isla meel dhigi lahaa goorta ay Ciidamada Cadowga Ethiopia ka baxayaan dalka Soomaaliya.

Balse Sheekh Xasaan Daahir ayaa sheegay in wada hadaladu u baahan yihiin jawi nabdeed oo ku haboon si horey loogu sii dhaqaajiyo, hase yeeshee wuxuu Ethiopia iyo Maraykankuba ku eedeeyay in ay ka soo horjeedaan wada hadalada la doonayo in lagu qaboojiyo kulka ka baxayo xaaladda Soomaaliya.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka hadlayay dilkii loo geystay Aadan cayroow ayaa wuxuu yiri: “qadiyadan ma ahan mid shaqsiyadeed waa qadiyad wadaniyeed, wayna sii soconaysaa haddii la dilo shaqsi iyo haddii kalaba, waxaana la gudboon shacabka Soomaaliyeed in ay sii wadaan halgankooda ay uga soo horjeedaan gumeysiga Ethiopiaâ€.

Si kastaba ha ahaatee tan iyo intii ay soo shaac baxday in Qaramada Midoobay ay ku guulaysatay in ay wada hadal isiu soo hor fadhiisaso dhinacyada iskaga soo horjeeda Siyaasadda Somaaliya ayaa waxa falal car-qaladayn ku dhaqaaqay Ethiopia iyo Maraykanka kuwaas oo xasuuqyo kala duwan ka geystay wadanka Soomaaliya.

 SomaliSwiss Muqdisho

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: