Dowlad dadkeeda diidan oo rabta inay qori ku maquuniso waa dowlad u yaal.

Qore Sare Dhicisow

Faalada Toddobaadka

Halkaan ka akhri

Waxaa dorraat Xafiiska Ra’isul wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya  ka soo Wareegto uu maamul ugu magacaay Gobalka Hiiraan Gudoomiye Cusub xili uu gobolkaas ka jirta xiisada lagu diidan yahay hab dhaqanka dowladda KMG ah oo iyada dhexdeeda iska soo horjeeda, waa jiritaankeeda ayaa ku dhisan joogitaanka Ciidamada Gumeysiga Ethiopiaanka.

 Mas’uuliyiintii loo magacaabay Gobolka hiiraan ayaa dhammaantood diiday xilalkii loo magacaabay isagoo Gudoomiyihii hore ee Gobalkaasi uu ka maqnaa Gobolkaas,hase yeeshee

dhammaan dadkii la magacaabay oo ay Wareysatay Idaacadda BBC London ayaa badidooda sheegay inay xilalkaas qaban karin waqti xaadarkan, qaarka kalena ay caddeeyeen inay raalli ka ahayn in ay la shaqeeyaan dowlad dadkeeda u soo wadatay cadow soo jireen ah.

 

Balse waxaa ku dhacay Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde jabkii ugu xumaa abit  oo aan laga soo kabsan karin, hase ahaatee waxaa ku haboon inuu iska casilo Xilka uu sheeganayo oo Ethiopiaanka u soo magacaabday.

 

Nuur Cadde ayaa markii loo soo magacaabay jagada uu hadda la kaalaa kufayo ay Soomaali  badan soo dhaweeyeen, waxayna u moodeen inay wax ku soo kordhin doono xaaladda Siyaasadeed.

 

Hase yeeshee imminka bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan waxay ogaadeen in Ethiopia ay iyadu kala doorato daba dhilifka ay rabto si danaheeda iyo tan Reer galbeedku rbaan, balse dad badan ayaa ogaa in waxba isbedel dhab ah ku soo kordheynin saaxadda Siyaasadda Milez Zanawi iyo Oday u waashay Xukunka.

 

Haddaba maxaa laga dheefay u magacaabidda Gobolka Hiiraan Maamul ,mar haddii bulshada Gobolku raalli ka ahayn hab dhaqameed  dowlad dadkeeda in laxasuuqa u soo wadatay cadowgeeda.

 

Wa Billaahi Towfiiq

 WQ: A. DH.D

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: