Afhayeenka MMIS
Halkaan ka akhriÂ
Sheikh Max’uud Ibraahim Suuley oo ah Afhayeenka MMI Soomaaliyeed ayaa shir Jaraa’id u qabtey saxaafada Magaalada Muqdisho ee uu ku cambaareeynayo Duqeynta Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanku ay xaley Saqdii Dhexe ka geystay xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb.Afhayeenku ayaa cambaareytiisa ku sheegay in arintaa ay ku ka liftey cadowga shacabka Soomaaliyeed ee duqeynta arxan darada ah ee loo geysanayo dad aan waxba galabsan ay tahey mid fuleytinimo oo Mareykanku geysanayo isaga oo dhiiri gelina u sameynaya xulafadooda Itoobiya ee gumeysiga ku jooga gudaha Dalka Soomaaliya.
 Sidoo kale Shiikha ayaa sheegay in arintan ay u hor seedi karto shacabka Soomaaliyeed, Midnimo, Karaamo iyo Geesinimo ay ku dhiiradaan cadowgooda isu soo kaashadey sidii ay ugu hor tego lahaayeen oo meel uga soo wada jeesan lahaayeen.
Sheikh Ibraahim oo ka hadlayey sababta ku kaliftey Mareykanku goobaha shacabka Soomaaliyeed in uu ka geysto duqeyn arxan daro ah oo lagu dhibaateynayo Shacabka iyo danahooda ayuu ku sheegay Shiikhu in ay tahey markii Ciidanka Mareykanka iyo kuwa kale ee la garabka ah ee Itoobiya ku fashilmeen damoociidii ahaa in ay gumeystaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ka hor istaagaan ka tashiga aayahooda.
Sidoo kale in badan oo ka mid ah Ciidamada gumeysiga Itoobiya ee ka howl galey dhulka Soomaaliya ay ku xiran yihiin geedo oo ay waasheen.Hase ahaatee Sheikh Ibraahim ayaa tacsi u direy dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba uu jooga oo ku tilmaamey in uu yahey shacaba geesi ah oo yaqaana danahooda kana tigtoog cadowgooda, isaga oo intii uu soo gaarey dhaawacana u rajeeyey in Alle bogsiiyo.
Waxaa kaloo Tacsi taas la mid ah u diray shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka shahiiday qeybo kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Odayaasha Dhaqanka, Aqoon- yahanada, iyo Culimada gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo, golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye iyo Golaha Aqoon-yahanada Soomaaliyeed ayaa dhamaantood duqeyntii Diyaarahada Dagaalka ee Mareykanku ka geysteen Dhusamareeb ka muujiyey cambaareyn xoogan iyo dhaleeceyn ay u jeediyeen Dalka Mareykanka.
 Â
Â
SomaliSwiss Muqdisho
Â
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.