warsaxaafadeed ay ka soo saartay Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed Duqeyntii Dhusamareeb.

Jabhadda Jis

Halkaan ka akhriWarsaxaafadeedkan, Wuxuuna u qornaa sidatan:-

WARSAXAAFADEED

Mahad oo dhan waxay u sugnaatay illaahay subxaanahuu watacaalaa, nabad iyo naxariisna nabi muxamed korkiisa alle ha yeelo.Intaa ka dib:-

Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay aad iyo aad uga xuntahay falkii foosha xumaa ee ay ciidamada maraykanku xalay abaare 02:30 Saqdii Dhexe kula kaceen Walaalaheena Mujaahidiinta Soomaaliyeed xili ay ku sugnaayeen Magaalada Dhuusamareeb Ee Gobolka Gal-Gaduud.

1) Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxay arintaasi uga tacsiyaynaysaa eheladii iyo ummadda Soomaaliyeed in uu alle sabir iyo iimaan ka siiyo, waxayna u hanbalyaynaysaa walaalaha goobtaasi ku shahiiday, waxayna ugu ducaynaysaa in uu alle shahaadadooda u aqbalo.

2) Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxay eedaynaysaa xad-gudubyada cadowtooyo ee uu maraykanku ka wado dalka soomaaliya mudooyinkan danbe, falkan iyo kuwii ka horeeyayna oo ay ka mid ahaayeen duqeyntii 1992-1994 uu ka geystay caasimada muqdisho iyo nawaaxigeeda, hubayntii Ashahaado la dirirka, duulaankii uu ku garab istaaga xabashida xiligii MMIS, weerarkii balaarnaa ee uu ku qaaday Jubooyinka, duqeyntii dhoobleey, duqeyntii Baargaal oo dhamaantood ay ku Baaba’een xoolo iyo dad rayid ah oo fara badan, waxayna muujinayaan cadaawadda gaamuurtay ee uu maraykanku u Qabo shacabkayaga Soomaaliyeed, cadaawadaasna waxa ay qeyb ka tahay mida uu guud ahaan kula dagaalamaya Muslimiinta. waxaana ugu baaqaynaa Bulshadda Soomaaliyeed in aysan ku niyad jabin xasuuqaasi maraykanku geystay kamana duwana kii ay Xabashidu ka sameysatay Xamar iyo Baydhabo.

3) Waxa uu falkani markhaati u yahay sida uu cadowga ugu midaysanyahay raalina uga yahay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed, isaga oo adeegsanayo magacyo kala duwan si uu midba maalin uga takhalus taasoo daliil u ah xasuuqii xalay ka dhacay degmada dhuuso mareeb iyo falkii arxan darada ahaa ee ay ciidamada gumeysiga itoobiya ka geysteen Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Muqdisho.taas oo uga gol leeyahay in uu is hortaago qaadashada iyo ku dhaqanka shareecadda islaamka ee uu doonayo Shacabiga Soomaaliyeed.

4) Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay ugu yeeraysaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Mujaahidiinta in ay si deg deg ah ugu midoobaan cadowgooda isu soo bahaystay siina labo laabaan jihaadkooda ay ku difaacayaan diinta kuna xoraynayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

5) Gabo gabadii Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay wacad ku maraysaa in ay sii labo jibaarayso jihaadka ay kula jirto gumeysiga iyo huwantiisa isla markaana aysan wax qalbi jab ahi ku abuurayn mujaahidiinta dhacdooyinka noocaas oo kale ah.

 

 

 

 

 

Jabhadda JIS

Wa Billaahi Towfiiq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: