Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo walwal ka muujiyey xaaladda Sicir bararka Cuntada Adduunka.

Ban Ki-Moon & Pascal

Halkaan ka akhri

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban ki-moon ayaa caddeeyey habka loogu hor tagayo Sicir bararka ku dhacay cuntada quutul-duruuriga ah oo dhibaato xooggan ku hayo wadamada Soo korayo, sidaas waxaa soo werisay Webka Swissinfo.

Ban Ki-moon ayaa isniintii tegtay la kulan la yeeshay 27da hay’adood oo hoos yimaada Qaramada Midoobey, waxayna ka wada hadleen sidii ay si wada jir ah uga shaqeyn lahaayeen qoorshihii loogu dagaal geli lahaa,looguna hor tagi lahaa Sicir bararka ku dhacay Cuntada oo Caalamka oo idil ka qayla dhaaminayo, gaar ahaan wadamada Saddexaad ee dhaqaalaha aad u hooseeyo.

Xoghayaha Guud ee QM oo booqasho ku jooga dalkan Switzerland ayaa wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah Guggiha Fulinta ee Federaalka madaxd Sarena ka ah  maamuka Dowladda Swisska,waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiintii uu la kulmay Pascal Couchepin iyo Micheline Calmy-Rey,waxayna kulankooda isku tusaaleeyeen Xaaladaha ku soo kordhay caalamka iyo sidii wax loogu qaban lahaa arrimaha uga daran oo ka mid ah Sicir bararka Cuntada iyo dagaalada ka socda meelo ka mid ah qaaradaha Aasiya iyo Afrika. 

Ban Ki-moon ayaa wuxuu si kooban uga hadlay xaaladaha hadda taagan iyo weydiimada soo kordheyso ee la xiriirta Cunta yerida, ayaa waxaa codsi ka yimaaday Beeraleyda wadamada Shiinaha, Indiya iyo Mareykanka, balse labadan dal ayaa waxay doonayaan in la siiyo maalgelin dhinaca wax soo saarka Beeraha.

Sida la wada ogsoon yahay Shiinaha iyo dalka Indiya ayaa uga wax soo  saar badan haddii loo eego dhinaca miraha la cuno sida Bariiska, qamadi iyo Gelley.

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa dorraat wuxuu magalada Genevè ku qabtay shir jaraa’id oo loogu hadalayey arrimaha ku soo kordhay caalamka,waxaa Xoghayuhu garab fadhiyey Agaasimayaasha Hay’adaha hoos yimaada Qaramada Midoobey sida Hay’adda Brograamka Cuntada Caalamka (PAM),Josette Sheeran; Guddoomiyaga Bankiga Adduunka ( BM), Robert Zoellick;  Agaasimaha Cuntada Beeraha (FAO),Jacques Diouf iyo Guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Beeraha (FIDA), Lennart Bage.

SomaliSwiss Isha warka Swissinfo.

Tarjume  A. Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: