Qarax Saakay lagula beegsaday ciidanka gumeysiga Ethiopia ee jooga magaalada Baydhabo oo keenay xasuuq 16 qof oo rayid ah.

Bartamaha Baydhabo

Halkaan ka akhri

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa lagu soo warramayaa in Saakay uu ka dhacay qarax aad u xoogan oo lala beegsadey ciidanka gumeysiga Ethiopia oo ahaa Miinada nooca meelaha fog laga hago.
Ka dib markii uu Qaraxaas dhacey ayaa ciidamo ka tirsan kuwa gumeysiga Ethiopia oo fariisinka ku lahaa warshadii hore ee Xasey ay gudaha u soo galeen magaalada Baydhabo iyagoo xilligaas waardiye ka hayey Booyad biyo u qaadeysay.

 

Warku intaa ku darayaa in qaraxu uu ka dhex dhacey tiro badan oo ciidanka gumeysiga Ethiopia oo iska ag dhawaa, arintaas oo dhalisey khasaare xoogan oo soo gaaray ciidanka gumeysiga Ethiopia, hase ahaatee waxaa la arkayey tiro badan oo ciidamo ah oo daadsan dhulka, kuwaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidaas waxaa sheegay dadweynihii goobta uu ka dhacay qaraxa joogay.

Balse qaraxaas ka dib ciidanka gumeysiga Ethiopia waxay fureen rasaas xoogan oo jid walba raacinayeen, taasoo dhalisey xasuuqa shacab badan oo xilligaas ka ag dhawaa halka qaraxa ciidanka gumeysiga Ethiopia lagula beegsadey ee ahayd bartamaha magaalada Baydhabo.
Sida  ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadweynihii goob ka ag dhawaa halka uu qaraxu ka dhacey waxay sheegeen in ciidanka gumeysiga Ethiopia ay toogasho ku dileen 16 qof oo rayid ah, sidoo kalena ay jiraan tiro badan oo dhaawac ah oo Isbitaalka baydhabo la geeyey si wax loogu qabto dhaawacooda.

 

Si kasta ha ahaatee ciidanka gumeysiga Ethiopia ayaa joojiyey dhamaan isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee agagaarka halkii saaka qaraxa Miino lagula beegsadey, iyadoo sidoo kale goobta ay soo gaaren ciidamada Bileyska Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia oo kala qeyb qaadanyey hakinta dhaq dhaqaaqa magaalada Baydhabo.
SomaliSwiss  Baydhabo

 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

 

%d bloggers like this: