Golaha Dhaqanka Hawiye oo Maanta War-saxaafadeed arrimo badan uga hadleen ka soo saarey Magaalada Muqdisho.

Golaha dh. Hawiye

Halkaan ka akhri

War-saxaafadeed ay soo saareen Maanta Magaalada Muqdisho Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, ayaa  waxaa loogu hadley arrimo badan oo Toddobaadkii ugu danbeeyay ka dhaqey qeybo ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya, oo ka mid yihiin canbaareynta jir dil iyo tacadiyo loo geystay ardey dhawaan Ciidanka gumeysiga Ethiopia ka qafaasheen Masjidka Al-Hidaaya.

Sidoo kale waxa ay dhaleeceeyeen hadalo ka soo yeeray qaar ka mid ah madaxda Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia oo ku aadana xasuuqii ka dhacey Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale cambaareyn loo jeedinayo maamulka Puntland oo ku aadan dad Soomaali ah oo dhawaan loo gacan geliyey Itoobiya.
Hase ahaatee, Golaha dhaqabka Beelaha Hawiye, waxay ugu horreyntii ka Hadleen xaalada ay ku sugan yihiin Ardey dhawaan Ciidanka gumeysiga Ethiopia ka soo qafaasheen Masjidka Al-Hidaaya, oo ku xirnaa  xarunta Ciidanka danbi barista ee Dowladda KMG ah oo jir dil aad xun loogu geystey; ka dibna Ardeyda lagu qasbey in ay qiraan, saxiixaana qoraal sheegaya in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ay geysteen xasuuqii ka dhacey Masjidka Al-Hidaaya.

Balse golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye waxay arrintan ku tilmaameen inay tahey wax lala yaabo, iyagoo bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkana ugu baaqey in arrintaa laga digtoonaano, oo Dowladda KMG ah iyo Ciidanka gumeysiga Ethiopia ay ku  doonayaan inay ku qariyaan xasuuqii ka dhacey Masjidka Al-Hidaaya.

Sidoo kale Goluhu ayaa wuxuu fajac iyo amakaak ka tilmaamay hadal ka soo yeeray mas’uuliyiin sheeganaya dowladnimo in ay ku hadaaqaan Ereyo lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu yahey Cadowgooda, Ciidanka Ethiopiana ay yihiin walaalahooda qaalida ah waa sida lagu xusey War-saxaafadeedka.

Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo si gaar ah u soo qaatey hadal ka soo yeeray C/Laahi Yuusuf oo ahaa in dadkii la xasuuqey ay mudnaayeen in sidaa la yeelo, oo ay ahaayeen shar wadayaal ka soo horjeeda Dowladda KMG ah iyo joogitaanka Ciidanka Ethiopia, iyo hadal kale oo ahaa in mucaaradkuay yihiin koox yar (Minority), taasoo ay golaha dhaqanku ku tilmaameen mid la yaab leh.

Si kasta ha ahaatwee Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye, waxay War Saxaafadeedka ay maanta ka soo saareen Magaalada Muqdisho ku canbaareyeen maamulka Gobolada Waqooyi Bari ee Puntland oo dhawaan rag Soomaali ah u gacan geliyey taliska Ethiopia.

 

 

Ugu danbeyntii Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa baaq u jeediyey Beesha Caalamka oo ugu baaqey in Gudi Xaqiiqo Raadin ah loo soo diro Dalka Soomaaliya si baaritaano loogu sameeyo Xasuuqa Ciidanka Ethiopia ka wadaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha dhaqanka & midnimada Hawiye.

SomaliSwiss  Muqdisho

 

 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

%d bloggers like this: