Ururka caalamiga ah ee xiriirka Soomaaliya oo Arbacada Berri ah la filayo inay ku kulmaan magaalada Oslo ee dalka Norway.

Raymond Johansen

News Somali/English

Halkaan ka akhri

Berri oo arbaca ah bishana ay tahay 30 ka 2008da ayaa lagu wadaa in Ururka caalamiga ah ee xiriirka Soomaaliya ay la sheegay inay shir ku yeelan doono Magaala Madaxda Norway ee Oslo.War uu siiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Norway Warbaahinta dalkiisa ayaa wuxuu ka warramay in Kulankan lagu soo qaadaa dhigi doonaa isbadaladii ugu danbeeyay ee ka soo cusboonaaday Dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Amaanka iyo hawlaha Aadamiga.

Balse sida la sheegay, Shirkan ayaa la filayaa in looga xaajoodo arrimaha dib u heshiisiinta ee la filayo in ay ka dhacaan dalka Jibuti laguna dhex dhexaadinayo Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliya iyo DFKMG ah kaas oo ay caqabadu ku timid kadib Xasuuqii ay Ciidamada gumaysigu Ethiopia ka gaysteen Magaalada Muqdisho todobaadkii la soodhaafay.

Waxaa kaloo shirkan loogu hadli doonaa arrimaha amaanka kadib dagaalo xoogan oo bilihii u danbeeyay ka soconayay qaybo ka mid ah Soomaaliya kaas oo Ciidamada Mujaahidiintu ay kula wareegeen magaalooyin muhiim ah oo ku yaala gobolada Hiiraan, Sh/Dhexe, Baay, Bakool, J/Hoose, J/Dhexe iyo Galguduud.

Hase yeeshee waxaana lagu wadaa in shirka sidoo kale lagu falanqeeyo xaaladda adag ee arrimaha Bani-adamiga ee ka taagan Dalka Soomaaliya, taasoo keentay ama ay sabab u tahay Dagaalada lala beegsashada shacabka oo lagu dhex dagaallama meelaha ay deggan yihiin iyo meelaha lagu ganacsado, Barakaca iyo Abaaraha ku dhufta Dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee waxaa la filayaa in shirkan ay ka soo baxdo go’aan aad u fiican, iyadoo xil wareejin ay sameeynayaan labada shirgudoon ee Maraykanka iyo Norway ayada oo lagu wareejin doono Qaramada Midoobay oo aan horay uga mid ahayn xubnaha Ururkan, balse laga fursan waayey in lagu soo daro isla markaana hogaan looga dhigo ka dib markii ururku u xaqiijin waayay hawlihii markii hore loo aasaasay isla markaana uu khilaaf soo kala dhex galay dalalka xubnaha ka ah Ururkan waxaana khilaafkaasu soo ifbaxay kadib markii ay dawladda Norway ku hanjabtay in ay isaga baxayso Contact group.

Xoghayaha Wasaaradda Dibadda ee Norway Raymond Johansen ayaa sheegay in dowladiisu ay ka ciyaari doonto kaalin weyn taageerada Dadaaladda ay Qaramada Midoobay ka wado Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray “ Xaaladda Dalka ka jirta waa mid aad khatar u ah waana muhiim in Beesha caalamku ay is garab taagto Qaramada Midoobay”.

 Ururka caalamiga ah ee xiriirka Soomaaliya waxaa la dhisay sanadkii 2006, waxaana isla gudoomiya dawladaha Maraykanka iyo Norway, hase ahaatee waxaa xubno ka ah dalalka Maraykanka, Norway, Italy, Sweden, Britain, Tanzania, iyo the European Union.

 markaana ay cirka isku sii shareerayso awooda xoogagga Mujaahidiinta oo ay si isdaba joog ah gacanta ugu soo galayaan Magaalooyin waa weyn oo ka mid ah Soomaaliya xilli Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa DFKMH ah ay u muuqato in Wajhadihii ku balaarteen isla markaana ay dhib ku noqotay in ay fariisimadooda ka soo baxaan.

  SomaliSwiss  Norway- Oslo

SomaliSwiss@hotmail.com

 Norway to host Somalia conference

Norway will on Wednesday host a meeting of the International Contact Group for Somalia (ICG). Norway will give more than NOK 250 million to Somalia in 2008.(Photo : Raymond Johansen, State Secretary in the Ministry of Foreign Affairs)

The meeting takes placde at a time when violence in Somalia is flaring up and drought is exacerbating the already difficult humanitarian situation in the country.

– I am deeply concerned about the latest wave of violence in Mogadishu and the suffering this is causing the civilian population, who are already badly hit,  says Raymond Johansen, State Secretary in the Ministry of Foreign Affairs.

– The humanitarian situation is precarious and the lack of rain is worsening the situation further. At the same time there is a glint of hope in the fact that both the transitional government and the leaders of the opposition have now agreed to take part in direct talks. It is vital that the political dialogue is translated into better conditions for the population – with regard to both security and the general humanitarian situation, says Mr Johansen.

The ICG will discuss the political process, the security situation and the humanitarian conditions in the country, which have been shaped by 17 years of chaos and civil war. Norway has chaired the ICG together with the US since the Group was established in 2006. The chairmanship will be passed on to the UN at the Oslo meeting. However, Norway will continue its committed efforts for Somalia, as a member of the ICG and in other ways.

– We will play a leading role in supporting the UN’s efforts in Somalia,  says Mr Johansen.

– The situation in  the country is extremely serious, and it is important that the international community is united in its support for the UN, he says.

Norway will give more than NOK 250 million to Somalia in 2008, three-quarters of which will be in the form of humanitarian assistance. In order to increase awareness of the humanitarian crisis, Norway will lead a meeting with key humanitarian actors on Tuesday, the day before the ICG meeting.

(Press release) Rolleiv Solholm

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: