Ciidamo ka tirsan DKMG ah oo maanta Ciidamada gumaysiga Ethiopia Hub ka dhigis ku sameeyay.

Ciidamada Ethiopia

Halkaan ka akhri

Ciidamada gumayisga Ethiopia ayaa maanta waxay hubkii ka aruurriyeen ciidamo ka tirsan kuwa DFKMG ah oo bar koontarool ku lahaa Siinka dheer ee u dhaxeeya Magaalada Muqdisho iyo Afgooye.
Waxaa  dad goob joog ah ay xaqiijiyeen in Ciidamada gumayiga Ethiopia oo ka yimid dhinaca Afgooye ay ku soo baxeen Ciidamada Dawladda oo lacago ka qaadayey gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye waxayna ku amreen Ciidamada Dawladda in ay hubka iska dhigaan isla markaana ay xabadka dhulka saaraan waxayna fasaxeen gaadiidkii dhoobnaa bartan koontarool ee Siinka dheer.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidamadii dawladda oo hubkii laga qaaday ay iska sii daayeen Ethiopiaanku, ayna u carareen dhinaca Hawdka mana jiraan hadda cid joogta Koontaroolka oo horay ay ugu sugnaayeen Ciidamada Dawladdu.
Balse ma aha markii ugu horaysay ee Ciidamada gumaysiga Itoobiya ay hubka ka qaataan ciidamo ka tirsan dawladda ayaga oo horay dhawr jeer hubka dhigis ugu sameeyay isla markaana Bahdil ku sameeyay askar ka tirsan dawladda.

Dowladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethiopia ayaan marna ka hadlin falalkan soo noq noqonaya oo ciidanka Ethiopia ay kula kacayaan ciidamadeeda waxayna u muuqataa in aysan waxba ka qaban Karin dhaq dhaqaaqyada ay sameeynayaan Ciidamada gumaysiga Ethiopia.
 
 

 

SomaliSwiss@hotmail.com

SomaliSwiss Afgooye

 

%d bloggers like this: