Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed oo dhaqdhaqaaq Ciidan ka sameeyey gudaha magaalada Beledweyne.

Ciidanka MIS

Halkaan ka akhri

Magaalada beledweyne ee  gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in Kooxaha Ka soo Horjeeda dowladda KMG ah, ayaa dhaqdhaaq ciidan ka sameeyeen gudaha Magaalada Baldweeyne, xili la hadal hayo in Ciidamo Ethiopian ah oo uu hor kacayo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ay ku soo fool leeyihiin Magaaladaasi.

Hase yeeshee Kooxahan ayaa waxay si aad ah ugu hubeeysan yihiin Baasukayaal Qoryaha Darandooriga u dhaca iyo Kuwa Fud Fudud, waxay xalay Qeybo ka Mid ah magaalada Beledweyne ay roondooyin ku marayeen xaafaha kalakala keddisan.

Xoogagan hubeeysan ayaa  la sheegay in ay taabacsan yihiin Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed, waxayna la hadleen dadka ku nool Magaalada Beledweyne qaarkood, ayagoo u sheegay in ay is dajiyaan isla markaana aysan wax cabsi ah muujin waxaana qaarkood ay sheegeen in howlgalkan uu ku saleeysan yahay sugida Ammaanka Magaalada Beledweyne isla markaana ay ku baacsanayaan kooxo dableey ah oo dhac iyo Boob Fara ba’an ku hayaan dadka deegaankasi.

Balse howlgalkan ay xalay ku dhaqaaqeen xoogagga hubeeysan ee taabacsan Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa ahaa mid ku biloowday jawi degen isla markaana dadka Reer Beledweyne ay aad u soo dhaaweeyeen waxayna kooxdan magaalada Ka tagaan Waaberigii.

SomaliSwiss Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: