Ahmed Wald Abdalla oo ah Ergeyga u qaabilsan Qaramada Midoobey arrimaha Soomaaliya oo wada hadal la leh madaxda sare ee dowladda Sweden.

Ergeyga QM Soomaaliya

Halkaan ka akhri

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmed Wald Abdalla ayaa kulan wada hadal la leh madaxda Sare dowladda dalka Sweden, waxayna  wada hadlayaan xaaladda cakiran ee Soomaaliya iyo sidii ay Sweden uga qeyb qaadan lahayd isku dayga laga dhex wado DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia iyo xoogaga ka soo horjeeda, layskuna soo hor fariisin lahaa.Wald Abdalla ayaa dowlalada Sweden uga warbixiyay xaalada Soomaaliya wuxuuna u Sheegay in xaalada Soomaaliya ay marayso meeshii ugu xumeyd abit, Beesha Caalamkana looga baahan yahay in ay xaalada Soomaaliya ka qaato kaalin muuqta si xal waara looga gaaro xaalada Soomaaliya.

Sidoo kale Ergeygu wuxuu sheegay in hadda socdaan dadaalo la isugu soo dhaweynayo DKMG iyo Xoogaga ka soo horjeeda, wuxuuna wadamada deeqda bixiya ka codsaday in ay dhaqaalaha arrintaa ku baxaya ay la soo deg degaan.

Wald Abdall ayaa lagu wadaa marka uu ka laabto Sweden in uu toos u tago Xafiiska Qaramada Midoobay ee New York, si uu Golaha Amaanka ugu warbixin doono xaalada Soomaaliya.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa dhawaanahanba waday dadaalo uu ka dhex sameynayo DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia iyo Xoogagga ka soo hor jeeda jiritaankeeda iyo joogitaanka ciidamdagumeysiga Ethiopia gudaha Soomaaliya.

 

 

SomaliSwiss Kobenhegan Sweden

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: