Mujaahidiinta JIS
Halkaan ka akhri
Balse weerarkan ayaa socdey muddo hal saac, sidaas waxaa shaaciyey sarkaal u hadlay Mujaahidiinta oo aan magaciisa la sheegin, hase yeeshee wuxuu Sarkaalkaas sheegay in muddo kooban gacanta ay ku dhegeen xarunta Villa Baydhabo, ka dib markii ciidankii halkaa ku sugnaa ee ka tirsan kuwa DKMG ah ka carareen, halkaana ay ka qaniimeysteen hub noocyadoodu kala iyo rasaas aad u fara badan.
Sidoo kale Wuxuu intaa ku darey sarkaalka u hadlay Jabhadda in ay kamiinka u dhigeen ciidamo ka soo baxey xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya oo gurmad u ahaa ciidamadii lagu weerarey xarunta Villa Baydhabo, ka dib markii Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ka awood roonaadeen ciidamadii halkaa deganaa.
Su’aalo aan weydiiney Sarkaalka ka tirsan Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen ciidamadaas khasaaro dhimasho dhowr Askari ah oo isugu jiray kuwii xarunta Villa Baydhabo ku jirey iyo cidamadii kale ee uga soo gurmadey madaaxtooyada villa Soomaaliya, isaga oo intaa ku darey in ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo ay gaarsiiyeen Ciidamada DKMG ah.
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.