Ururka Iskaashiga Khaliijka oo canbaareeyay falalka ay ciidamada Ethiopia ka wado Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Ururka Al-Khaliij

Halkaan ka akhri

Xoghayaha Ururka dalalka ku bahoobeen Al Khaliijka  Al Carabka ee GCC  Al Sayid C/raxmaan Bin Xamad Al-Cattiyah ayaa si kulul u canbaareeyay xukuumadda gumaysiga Itoobiya, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay eedaymaha ay doewladda Ethiopia u soo jeedisay dalka Qadar, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin.

Al-Cattiyah wuxuu sheegay in Itoobiya ay dhaqan u tahay xasillooni darro ka abuurto dalalka ay dariska la tahay, isla markaana ay weerarro gardarro ah ku qaado dalalka deriska la ah, wuxuuna  intaas ku daray in Itoobiya ay sal u tahay nabad galyo xumada ka taagan gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay si cad ugu tomato Shaciga Caalamiga ah.

Xoghayuhu wuxuu tilmaamay gumaadka iyo cadaadiska ay Itoobiya ka waddo Ogaadeenya, isagoo sheegay in Itoobiya ay Ogaadeenya ka dhigtay goob dagaaleed aan loo oggolayn in xataa ururrada samafalka ahi ay galaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Al-Cattiyah ayaa wuxuu kaloo sheegay in weerarkii ay Ethiopia ku qaaday dalka Soomaaliya uu ahaa tallaabo khatar ku ah dalalka Geeska Afrika oo dhan.

 

 

 Ugu dambeyntii Al-Cattiyah ayaa hadalkiisan ku sheegay in siyaasadaha khaldan ee Itoobiya ku dhaqmayso ay dadka Itoobiyaanka ah ka dhigtay hoygii dhibaatooyinka iyo masiibooyinka bani’aadamnimo

 

SomaliSwiss  Al-Khaliij 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

%d bloggers like this: