Markabkii Spain
Halkaan ka akhri
Shaqaalihii iyo Doontii mudadan ku Afduubnayd xeebaha Dalka Soomaaliya, oo maanta dib u helay xuriyadoodii, kadib markii lacago madax fursho ah la bixiyay.
Doontaan oo ay saarnaayeen 26 Shaqaalae ka ahaa Doonta ayaa mudadanba gacanta ugu jiratay Burcad Badeed Soomaaliyeed kuwaas oo ku haystay Xeebaha gacanka Carbeed, balse Maanta dib ugu soo celiyay Xeebta Gobolka Mudug.
Burcad Badeedka afduubay Doontaasi ayaa la sheegay in ay qaateen Lacag aad u fara badan oo Madax Furasho ah, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray shaqaalihii iyo Doontiiba.
Horey ayay Buracad Badeed Soomaali ah dhibaato kala kulmeen Doon laga lahaa Dalka France, taa oo u sahashay Ciidamada France in ay gacanta ku dhigaan qaar ka tirsan Afduubayaashii iyagoo kuwa kalana halkaasi ku dilay.
Waxaa Bilahaanba isa soo tarayay Burcad Badeed ka Qowleysta Xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo dhibaatooyin u geysta Maraakiibta sida Sharci Darada ah uga kaluumeeysta Xeebaha dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss Gaalkacyo
Â
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.