Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo Bam Gacmeed lagu Weeraray Xalay Hotel ay ka deganayeen magaalada Baydhabo.

Bartamaha Baydhabo

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay xalay Bamgacmeed ku Weerareen Hotel Caalami oo ku yaala Magaalada Baydhabo iyadoo isgaarsiinta Magaalada Baydhabo xalay saacado kooban hawada laga saaray.

Hase ahaatee inta la ogyahay 5 qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhashay Bamka gacanta laga tuuro oo lagu Weeraray Hotel Caalami oo ay degan yihiin qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG.

Sida lagu soo warramay waxaa Cisbitaalka Magaalada Baydhabo la soo gaarsiiyay Dadkii ku dhaawacmay, Kuwaasi oo u  badanaa dad rayid ah, waxaana uu dhawaca soo gaaray xili ay ku caweynaye goobta qaraxa uu ka dhacay,balse waxaa la sheegay in 3 ka mid ah dadka dhaawacmay uu yahay mid aad u culus oo halis ah, halka laba ka mid ahna ay yara wanaagsan yihiin.

Si kasta ha ahaatee goortu uu qaraxa dhacayay waxaa agagaarka Hoteelka marayay Gaari ay lahaayeen Ciidanka Booliiska Oo Roondo ahaa, hase yeeshee, lama oga in kooxaha Weerarka Soo qaday ay Beegsanayeen Gaariga Booliiska iyo in ay doonayeen in ay si toos ah u abaaraan Hotel Caalami oo ay degen yihiin qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Qaraxaas markuu dhacay, ka dib waxaa laga maqlayay Magaalada Beydhabo Guud ahaan dhawaqa Rasaas ay fureen Ciidamada Booliiska, iyadoo aan la ogeeyn Qasaaraha ka dhashay Rasaastii ay fureen Ciidamada Dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in xaalada amaanka magaaladaas ay ka sii darayso, iyadoo magaalada laga jaray Isgaarsiinta habeenkii xalay, taas oo aan la’ogayn sababaha loo jaray isgaarsiinta magaaladaasi.

Balse waxaa soo baxay war sheegaya in jarista Isgaarsiinta ee magaalada Baydhabo uu amar ku bixiyay gudoomiha Maamulka Gobolka Bay C/fitaax Max’ed Ibaarhin (Geeseey)

Maamulka Gobolka Bay ee Lagu Xiray Isgaarsiinta Magaalada Baydhabo waloow Xili Danbe la sii daayay.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: