Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la wareegay 6 degmo oo ay ugu dambeysay degmada Qansaxdheere.

Xoogagga Al-Shabaab

Halkaan ka akhri

Afhayeen xoogagga Al -Shabaab Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ka dhawaajiyay in xoogaga Mujaahidiinta Al-Shabaab ku sugan yihiin deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool ayna gacanta ku haayaan Jowhar, Daynunay, Idaale, Diinsoor, iyadoo isla maanta ciidamo ka tirsan Al-Shabaabay ay gacan ku heynteeda la wareegeen Degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku sugan degmada Qansaxdheere ayaa waxa ay sheegeen in maamulka degmadaasi ka talinayay lagu amrey in ay isaga baxaan degmada Qansaxdheere, taasina keentay in Xoogaga Al-Shabaab ay la wareegaan gacan ku heynta degmadaasi iyadoo ayna halkaasi ka dhicin wax iska hor’imaad ah.

Maamulka ka talinayay iyo ciidanka iyo saraakiisha ciidanka ee hoos taga dowladda KMG ah ee la shaqeya gumeysiga Ethiopia ee halkaa ku sugnaa ayaan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin iminka, ka dib markii ay degmada Qansaxdheere isaga carareen, walow wararka qaar ay sheegayaan in duleedka magaalada ay ku sugan yihiin.

Arintaani ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli xoogaga Mujaahidiinta Al-Shabaab lagu soo waramayo in ay ku sugan yihiin degmooyinka Bardaale, Jowhar, Daynunay, Idaale, Diinsoor, iyo waliba degmooyin kale oo ay Qansaxdhere ka mid tahay, iyadoo horeyna ay ula wareegey qaar ka mid ah degmooyin katirsan gobolada Bay iyo Bakool.

Qabsashada degmooyinkan ayaa inta laxaqiijiyay waxaa ay xoogagga Al-Shabaab ku dileen illaan iyo 17 Askari oo katirsanaa maleeshiyaadka dowladda KMG, iyadoo 14 Askari ay isu soo dhiibeen xoogagga Al-Shabaab.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

%d bloggers like this: