Magaalada Beledweyne oo lagu qabtay Munaasabad lagu furay Bangi markii ugu horeysay laga hirgaliyay Gobalka Hiiraan.

Munaasabada

Halkaan ka akhri

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb-galeen Mas’uuliyiinta Shirkadaha Xawilaada ee ka howl-gala Gobalka Hiiraan, Ganacsato, qeybaha Ururada Bulshada ka socday, iyo Marti sharaf kale ayaa waxaa markii ugu horeysay lagaga dhawaaqay Furitaanka Xarun cusub oo lagu magacaabo Dayax Islamic Bank.

Madaxa Xarunta cusub ee laga hergaliyay Gobalka Hiiraan Max’ed Dheere oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in qorshaha la xiriira hirgalinta Bankiga la bilaabay Sanadkii 2001, waxaana qeybtii ugu horeysay laga hirgaliyay ayuu yiri Sanadkii 2006 Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, iyo Qardho ee Maamul Gobaleedka Puntland kuwaas oo hadda shaqeynaya mudo ku dhan labo Sano.

Max’ed Dheere waxaa uu intaa raaciyay in Magaalooyinka Beledweyne iyo Gaal-kacyo ee Gobalada Hiiraan iyo Mudug isku mar laga hergaliyay Xarumaha Bankiga , isaga oo dhanka kale sharaxaad kooban ka bixiyay waxa uu qabanayo Bankiga ama uu kaga duwan yahay Shirkadaha Xawilaada ee ka howl-gala xilgan Gobalka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay marka ugu horeysa in Xurunta Dayax Islamic Bank wada sheqeyn buuxda ay lee yihiin Bankiga dalka Maleesiya, isaga oo intaa raaciyay in dhamaan caalamka intiisa kale Bankigu awood u leeyahay si fudud in uu ku gaarsiiyo hantida uu qofku dhigto.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu Bankigu ka shaqeynayo ayuu ku tilmaamay Max’ed dheere in ay ka mid yihiin Dhigashada Lacagta, Bixinta Deymaha, Fuduteynta Ganacsiga qeybihiisa kala duwan, iyo waliba in uu bixinayo kaalmo sida uu sheegay lagu caawinayo dadka taagta daran si markaa bulshada looga soo dhiso qeybaha hoose.

“Waxaa jirta su’aal dadka intiisa badan is weydiinayaan oo ah maxey ku kala duwan yihiin in shaqsigu lacagtiisa heysto, iyo in la dhigo Banki xiligan lagu jiro, hadii aan su’aashaa ka jawaabo runtii waa sax qof walba waxaa uu jecel yahay in uu hantidiisa heysto, lakiin waxa ay ku kala gedisan yihiin ayaa ah lagacta gurigaaga kuu taala malaha wax damaanad ah hase ahaatee marka aad Bankiga dhigato lacagtaada waxaa damaanad qaadaya Bankiga oo mar walba laga rabaa in uu bixiyo, ayuu yiri Max’ed Dheere.

Maadaama Maata Caalmka ama dunida reer galbeedka looga yaqaan Magaca Islamic mid argagixiso ah ayuu sheegay in sababta magacaasi ay u qaateen tahay in howlahooda ay ku saleeyaan sida shareecadu waa faqsan tahay, “” Maanta Dunida reer galbeedka laftirkooda waxaa ka furan Bankiyo Islaami ah marka magaran karo sabab aniga oo muslim ah noo diidi karta in aynu furno Banki islaami ah ayuu intaa sii raciyay.

Mas’uuliyiinta shirkada Xawilaada ee ka soo qeyb-galay munaasabada ayaa iyagu sheegay in ay soo dhaweynayaan hormarka cusub ee lagu soo kordhiyay howlihii markii horeba ay bulshada u hayaan waxaana ay balan qaadeen in ay la shqeyn doono.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa horey waxaa ugu furnaa marka laga soo tago Xarunta cusub ee lagu kordhiyay shirkadu Xawilaada sameeya kuwaa oo xiliyadii bur burku dadku siweyn uga faa’ideysteen, waxaana xusid mudan marka laga soo tago in ay sameeyaan adeegyada Xawilaada Sidoo kale shirkaduhu waxaa ay ka qeyb-qaataan gacan siinta dadka marka ay jiraan dhibaatooyinka Damiiciga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha oo kale.

Source Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: