Illaa 7 sarkaal ayaa lagu dilay, halka afar Sarkaan oo kalena uu dhaawac culus kasoo gaaray weerar xalay lagu qaaday Villa Baydhabo.

Saraakiil ladilay

Halkaan ka akhri

Illaa 7 sarkaal oo lagu dilay, halka afar Sarkaan oo kalena uu dhaawac aad u culus kasoo gaaray weerar xoogan oo xalay ay xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed ku qaadeen Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi habeennimadii xalay lagu qaaday Villa Baydhabo ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 13 qof, kuwaasoo sagaal ka mid ah ay ahaayeen ciidamada dowladda KMG ah ee lashqeysa gumeysiga Ethiopia.

Sida ay saraakiil dowladda ka tirsan oo ka gaabsaday magacyadooda sheegeen, toddoba ka mid ah ciidamadaasi dhintay ayaa waxay ahaayeen Saraakiil sar-sare, halka sidoo kale afar sarkaal oo kalena ay weerarkaasi si xun ugu dhaawacmeen, kuwaasoo hadda lagu daweynayo isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, weerarkaasi xalay ee Villa Baydhabo waxaa ku dhintay afar qof oo shacab ah, kuwaasoo saddex ka mid ahi ay ahaayeen kuwa isku qoys.

Ilaa iyo hadda cidi ma sheegan weerarkaasi xalay lagu qaaday Villa Baydhabo, hase yeeshee waxay u muuqataa in ay ka dambeeyeen in ay weerarkaasi geysteen ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah sida ay sheegeen goobjoogeyaashu.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee lagu qaado goobaha ay fadhiyaan ciidamada dowladda KMG ah ee lashaqeysa gumeysiga Ethiopia, muddo dhowr toddobaad ah, iyadoo beryihii la soo dhaafay ay weerarrada inta badan ku wajahnaayeen fariisimada ciidamada gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: