Bannaanbax looga cabanayey Xasuuqa ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ku hayaan shacabka Soomaaliyeed oo ka dhacay dalka Ingiriiska.

DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Mudaharaad balaaran oo ay kasoo qayba galeen in kabadan 500 oo ruux ayaa dhacay Fagaaraha kasoo horjeed 10 Downing Street, Xaafiiska Ra’isalwasaaraha Ingiriiska.

Dadkaan ayaa kawada yimid gobolada wadanka ingiriiska.

Mudaharaadkaan oo ahaa mid aad loo soo agaasimay loogana cabanayey Xasuuqa iyo tacadiyada ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan difaaca lahayn.

Dadkaan ayaa ku qaylinayey halku dhegyo Diini iyo wadaniyadba leh “Sida Allaahu Akbar, Xabashidu ha jabto, Gumeystuhu ha dhaco, Daba dhilifku hadhoco, ninkii dhoof ku yimidbaa Geeridu dhibeysaa.

Waxaa kaloo ay dadku halkaasi kusoo bandhigeen Booraar aad u fara badan oo ay ku sawirnaayeen sawiro kale duwan oo aad u xanuun badan.

Mudaharaadkaasi ayaa socday muda 4 saacaadood ah ayaa ku dhamaaday jawi nabadeed.

Waxaa ka mid ahaa dadka kasoo qaybgalay George Galloway oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka wadanka Ingiriiska, Ahna madaxa Uruurka Respect Party, iyo taageerayaal badan oo xisbigiisa ka mid ah.

George oo ah nin aad loogu yaqaan udagaalanka dadka Muslimiinta ah qaas ahaan dadka reer Falastiin, Iraq, aadna uga soo horjeeda Siyaasada reer galbeedka oo Mareykanku hormuudka u yahay ayaa halkaasi ka jediyey Qudbad xamaasad leh wuxuuna dadka Soomaaliyeed ku booriyey in ay u dagaalamaan dalkooda una rajeeyay in ay gaarayaan guul.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Abdisalam Guled Daljir oo ahaa Abaabula Mudaharaadkaasi.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: