Weerar lagu qaaday oo lagu gubay guriga taliyaha ciidamada saldhigga degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho

Halkaan ka akhri

Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar hubeysan ku qaaday guriga Taliyaha ciidamada saldhigga degmada Dharkeenley ee gobolkan Banaadir, inkastoo la sheegay in taliyaha xilligaasi guriga uu ka maqnaa.

Weerarkaasi ka dbi ayaa waxaa la maqlayay israsaseyn mudo daqiiqado ah socotay, taasoo u dhaxeysay ilaalada Cali Yare, Taliyaha ciidamada saldhigga degmada Dharkeenley iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Illaa iyo haatan lama oga qasaaraha kala gaaray labadaasi dhinac, ka dib markii iska horimaadka uu ka dhacay gudaha degmada Dharkeenley ee magaaladan Muqdisho.

Sidoo kale Cabdullaahi Cumar Ibraahin (Shac Shaac) afhayeenka Ciidanka Booliiska dowladda KMG ah ayaa ku eedeeyay Xarakada Al Shabaab in ay xalay ka Danbeeyeen Falkii lagu weeraray Guriga uu ka degenaa Degmada Dharkeenleey Taliye Xigeenka Saldhiga Ciidanka Booliiska ee Degmada Dharkeenleey kaasi oo ay dab qabadsiiyeen Kooxixii weerarka ku qaaday.

Dhanka kale Howlgal ay maanta ka sabeeyeen Ciidamada Booliiska Degmada Dharkeenleey / Xaafada Suuq Boocle / Kuweyt iyo Mac Macaanka kuwaasi oo ku soo qab qabtay dad gaaraya illaa 15 oo ay ka mid ahaayen Caruur aad u yar yar oo ku sii jeeday marka la qabanayay Dugsi Qur’aan oo ay wax ka baranayeen.

Si kastaba, xaaladda degmada Dharkeenley oo xalay sidoo kale qarax iyo rabshado kale ay ka dhaceen ayaa saaka ah mid caadi ku soo laabatay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: