Swiss pass & ausländer
Halkaan ka akhri
Wasiirka cadaaladda iyo Boliiska Marwa Eveline Widmer Schlumpf ayaa shalay shaaca ka qaaday in dowladda kaga hor tagayso ololaha uu Xisbiga UDC ku doonayo wax ka bedelidda qaadashada dhalashada dalka Switzerland.
Waa markii ugu horreysay ay haweynayda Wasiiradda ah la kulanto doorashooyinka Federaalka, hase ahaatee Mashruucan lagu cariirinayo dadka Ajaanibka ah ayaa wata Xisbigeeda UDC.
Xisbiga UDC ayaa ka mid ah Xisbiyada Midigta Fog ee had iyo jeer ka soo horjeeda dadka Ajaanibka ah, gaar ahaan qaxooti doonka ah.
Sida uu qabo guddiga Fulinta Federaalka ayey la tahay marwa Eveline Widmer in ka mid noqoshada iyo qaadashada Paassapoorada Swissku ay noqoto mid dimoqraadi ah, balse dhibaatooyinka sharciyadeed ee la xiriira arrintan, ma ahan mid dhiiri gelinaya dadka u sharraxan qaadashada Passapoorada Casaanka-Istillaabka leh oo qaadashadiisa ku xeran tahay in qofku uu si fiican ula qabsado Swisska, is-dhexgalka wanaagsan uu sameeyo.
Wasiiradda Cadaaladda ayaa sheegtay in dhaqamada kala duwan kuwooda uga wanaagsan ay yihiin kuwa waxtar u leh bulshada Swisska, sidaas darteed ayey tiri Wasiiradda marna yeeli mayno waxyaabaha dhaqan xumida ah sida Guurka xoogga ah iyo Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha lagu sameeyo.
Si kasta ha ahaatee dadweynaha Swisska ayaa uu dareeri doono 1da Juun 2008da codbixinta ka mid noqoshada ama qaadashada baasaboorka dalkan Swisska.
SomaliSwiss Xigasho Swissinfo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.