Dowladda Faransiiska oo saldhigeeda Military ee Jabuuti u ogolaatay in ay adeegsadaan ciidamada dalka Spain.

Calanka France

Halkaan ka akhri

Warar ay shaaciyeen Warbaahin dalka Faransiiska ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhiga Faransiiska Nervo Moran uu shaaca ka qaaday in Saldhigooda Milatari ee ay ku leeyihiin Jabuuti ay Maamulkiisa si ku meel gaar ahi ugu wareejiyeen Dowlada Spain si ay ugu soo daysato doonida iyo rakaabkii saarnaaba oo Burcad Badeedu uga afduubteen Xeebaha Soomaaliya.
Mr. Nervo Moran ayaa arrinkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay taladadii ka dib markii uu Booqasho ku tagay Saldhiga Ciidanka Cirka ee Bordeaux ee tirsigiisu yahay 106 waxaana uu yiri “Spain waxa ay naga codsatay in ay suuro gal tahay in ay adeegsato Saldhigyadeena aanu ku leenahay Afrika si ay ugu noqdaan goobo ay ka abaabulaan howl-galadooda Milatari ee ay ku soo daysanayaan Doonidooda laga afduubtay”.
Waxa uu intaasi raaciyay wasiirka “dabcan waanu ogolaanay anaga oo ku dhisayna go’aanka madaxda Jabuuti, sidaas darted waxaa suuro gal nala noqday in Spain ay u adeegsato Saldhigyadaanada aan ku leenahay Jabuuti Saldhig Taageero iyo Abaabul”.

Hase ahaatee Abaanduulaha guud ee Ciidamada Qalabka sida ee Fararnsiska ayaa Mar laga codsaday in uu faah faahin dheeri ah ka bixiyo arimahan cusub waxa uu sheegay “waa isweydaarsasho ldhinaca warbixinada oo kaliya oo na dhex maraya anaga iyo spain, iyo waliba in aan u fududayno taageerada dhinaca loojiistikada inta ay ku gudo jirto adeegsiga waxyaabaha u suuro galinaya ka howl-galka gobolkan.”

Dowladda Spain ayaa dorraat ka codsatay Dowladaha Faransiiska,Ingiriiska iyo Maraykanka oo iyagu ah saddex Dowladood oo Saldhigyo ciidan ku leh badweynta hindiya in ay ka kaalmeeyaan sidii ay si nabad galyo ahi ugu soo furan lahayd 26 qof oo lagu afduubtay dooni ka ugaarsanaysay xeebaha Soomaaliya axadii hore.

Sida la wada ogsoon yahay Saldhigga Ciidamada Faransiiska ee ku yaala Jmagaalada Jabuuti waa Saldhigga ugu weyn Faransiiska ee ku yaala meel ka baxsan gudaha faransiiska waxaa degan in ka badan 2850 askari. Iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee hubka xanbaara iyo waliba maraakiib dagaal oo aan tiradooda la sheegin.
SomaliSwiss AFP Baris

 

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: