Ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya oo Maanta dad rayid ah qafaashay.

Ciidanka gumeysiga

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta barqadnimadii ay ciidanka DKMG ah iyo kuwa gumeysiga Ethiopia ay Baaritaano iyo qafaalasho ka sameeyeen xaafadaha Macmacaanka, Kuwait iyo Suuq Booc oo dhamaan tood ka tirsan degmada Dharkeynlay ee magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxa lagu waramayaa in ciidanka DKMG ah, ay halkaas ka wateen dad rayid ah.
Balse nta la og soon yahey ciidanka DKMG, waxay ku qafaasheen degmada Dharkeynley ilaa 7 qof oo dhamaantood ka tirsanaa dadka deegaanka oo u badan dhalinyarada deegaanka.

Dadka deegaanka waxay ku warrameen inay jiraan guryo ay galeen Ciidankan, intii ay wadeen baaritaadana, ay saaka ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Dharkeynlay.

Baaritaanadan, ayaa yimid ka dib markii xaley weerar xoogan lala beegsadey guri uu degmada ka degan yahey Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska ee isla degamada, iyada oo weerarka ka dibna dab la qabadsiiyey gurii taliyaha.

Hase yeeshee ciidanka dowladda KMG ah ee gumeysiga ayaa saaka ku faafey qeybo ka mid ah deegaanka Gubta ayaa wararka halka laga helayo waxa ay sheegayaan in ay qafaasheen 21 qof oo ahaa dadka deegaanka.kuwaas oo ciidanka gumeysiga Ethiopia u ka xeysteen dhinaca xaruntii hore ee Gaashaandhiga oo Saaka ay ka soo faafeen.

Warku wuxuu intaa raaciyey in saakay, ay ka cararey guryahooda dadkii deegaanka, ka dib markii ay ka warhaleen in ciidanka gumeysiga Ethiopia ku soo fool leeyihiin deeganadooda, iyada oo dhinaca kale dhaawacyadii ku jirey Isbitaalka Dayniile ee degmada Dayniile laga saarey isbitaalka cabsi weyn oo Eheladoodu ka qabaan in ciidanka gumeysiga Ethiopia, haddii ay ugu yimaadaan isbitaalka kula dhaqaaqaan xasuuq ba’an.

 SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: