Ururka ONLF oo Puntland ku eedeeyay xubno Ururkooda ka tirsan in ay Ethiopia u gacan galisay, iyo Puntland oo warkaasi si kulu u beenisay.

Jabhadda ONLF

Halkaan ka akhri

Ururka ONLF ayaa eedeyn kulul dusha kaga tuuray madaxda maamul goboleedka Puntland, taasoo la xiriirta xubno Jabhadda ka tirsan oo dowladda Ethiopia loo gacan galiyay.

Gudoomiye ku-xigeenka Ururka ONLF, C/qaadir Cadaani ayaa waxaa uu u sheegay in 2 xubnood oo Ururkooda ka tirsan, isla markaana ku sugnaa Hotel ku yaala magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland, halkaasi laga qafaashay kadibna Ethiopia loo gacan geliyay.

Mr. Cadaani afduubkaasi waxaa uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan ciidamo uu watay wasiirka maaliyadda maamul goboleedka Puntland, sida uu hadalka u dhigay, isagoona maamulka Puntland uga digay arrimaha sidaasi oo kaleeta ah.

Sidoo kale Maamul goboleedka Puntland oo si kulul u beeniyay eedeyn Ururka ONLF uu u soo jeediyay.

Maamul goboleedka Puntland ayaa si kulul u beeniyay eedeyn kaga timid Ururka ONLF, taasoo la xiriirta in xubno ka tirsan Jabhadaasi Puntland ay u gacan galisay dowaldda Ethiopia.

Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay wasiir ku-xigeenka arrimaha nabad galyada ee maamul goboleedka Puntland, Faarax Cabdi Beershe waxaa uu si kulul u beeniyay eedeyntaasi Ururka ONLF uu u soo jeediyay maamulkiisa.

Wasiirka waxaa uu sheegay in loo baahan yahay wixii dhaliil ah ee maamulkiisa loo qabo, maamulka lagala soo xiriiro, balse taasi badalkeeda aysan aheyn in lagu eedeeyo.

Mr. Beershe ayaa ku tilmaamay eedeynta maamulkiisa loo soo jeediyay mid lagu doonayo in sumcad darro loogu soo jiido, sida uu hadalka u yiri, wasiir ku-xigeenka arrimaha nabad galyada ee maamulka Puntland.

SomaliSwiss Bosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: