Salaad Roob Doon ah oo saaka laga Tukada meelo ka mid ah Gobolka Hiiraan iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Somaliland.

Abaarta Somalia

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya Gobollada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ilaa shalay ay dadweynaha gobollada Hiiraan, Dowlad goboleydyada Puntland iyo Somaliland ay sameyeen Alle kabaryayeen Roobdoon, waayo dalka Soomaaliyo ayaa waxaa soo food saartay Abaaro saameeyey dad iyo duunyaba.

 Sidaas awgeed war goor-dhaweyd naga soo gaaray Magaalada Beledweyne ayaa saaka waxaa Garoonka ciyaaraha isgu soo baxay dad weyne aad u badan ka dib markii uu ku Baaqay Ugaas C/Raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble maalintii shalay in la tukado Salaad Roob Doon ah Abaaraha ku daba dheeraaday Soomaaliya guud ahaan gaar ahaana Gobolkan Hiiraan si alle loo weydiisto naxariistiisa iyo Neecawda Roobka.

Waxaa halkaasi oo uu Qudbad Qiimale Ka Aqriyay digtoor Sheekh Cumar Lugeey oo aad ugu dheeraaday dhibaatada Abaara iyo sida looga bixi karo isagoo dadka ugu baaqay iney isbedel dhaba ku sameeyaan Dhaqankooda aan waafaq saneyn Shareecada Islaamka taasina ay ka dhalan karto in ilaahay wax ka bedelo xaaladaha ey ku sugan tahay ummaddu.

Halkaasi oo ugu dambeyntii uu ka hadlay Ugaas C/Raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa ugu baaqay udmadda Soomaaliyeed iney Midowdo lagana Towbad keeno wixii la galay Lana smeeyo Radul Madaalim si looga baxo Xaaladaha Abaaraha Colaadaha iyo ismaan dhaafka dhaxyaala ummadda.

SomaliSwiss Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: