QM oo sheegtay in ay dhax dhaxaadin ka samaneyso kooxaha isku haya Siyaasada Soomaaliya.

Ahmedou Oud Abdalla

Halkaan ka akhri

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Nayrobi ayaa shaaciyey in Wakiilka QM uu ku howlan yahay sidii ay u wada-hadali lahaayeen kooxaha isku haaya Siyaasada Soomaaliya si loo joojiyo dhibaatada ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

Ahmedou Ould Abdalla oo ah Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo wareysi siiyay wakaalada Wararka Reuters ayaa waxa uu sheegay in QM ay ka go’an tahay in ay dhax dhaxaadin ka dhax sameyso kooxaha isku haaya siyaasada Soomaaliya.

Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa waxa sheegay in falkii ciidamada Ethiopia ay ku xasuuqday dadka rayidka oo ay ka mid yihiin Qaar ka mid ah Culamaa’udiinka Masjidka Al hidaaya ay tahay mid laga xumaado islamarkaana ay tahay mid la Cambaareeyo ayuu yiri Ahmedou Ould Abdalla.

Hadalka ka soo baxay ergayga gaarka ee QM ayaa waxa ay ku soo beegmatay xili  ay dowladda Ethiopia inkirtay dadkii ay  ku xasuuqday Masjidka Al hidaaya ka dib markii dagaal culus oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada huruwaa ee magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Nayrobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: