Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Denmark oo cambaareysay xasuuqii ay ciidamada gumeysiga Ethiopia ka geysteen Muqdisho.

Baaq ku aadan

Halkaan ka akhri

Ku:

 

Ummadda Somaaliyeed ee dal iyo dibed ku nool
Beesha Caalamka,
Gumeysiga xabashida ee xaqdarrada ku heysta Soomaaliya iyo
Shucuubta dunida muslimka
Og: Kooxda dabadhilifka u ah Xabashida

Annagoo ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark waxaan ugu horreyn si adag u cambaareyneynaa ciidamada gumeysiga Itoobiya ee xasuuqa waxashnimada ah ka wada Soomaaliya.

Cidina kama qarsoona tacadiga iyo gumaadka ay ciidamada gumeysiga Itoobiya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed inuu yahay kan ugu ba’an xasuuqyada isir-goynta ah ee dunida ka dhacaya qarnigan aynu ku jirno.


Laga soo bilaabo xilligii ciidamada gumeysiga Itoobiya ay qabsadeen caasimadda Soomaaliya oo haatan laga joogo in ka yar sanad iyo badh, waxay ciidamada xabashidu xasuuqeen kumannaan maato ah oo isuguna jira carruur, dhallinyaro, rag, haween iyo dad waayeel ah, iyagoo shacabka intiisi kalena ku qasbay inay u qeybsamaan wax nafta ula baxsada gobollada dalka, wax daryeel la’aan ugu dacdarreysan duleeddada magaalada Muqdisho iyo inta soo hadhay oo ay badeen iney hadba ku dhex qaxaan isla gudaha caasimadda dalka.

Cidhibtirka iyo gumaadka qorsheysan ee ay ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha Soomaaliya bar-tilmaameedsanayana xaafadaha la deggan yahay iyo goobaha lagu cibaadeysto, iyagoo guryaha ku dumiya dadkoodi oo ku jira, masaajiddana ku dhex bireeya ciddii nafta kula soo cararta, ayaa ah fal-dambiyeed ay bulshada caalamku wadaag kula tahay Itoobiya maadaama ay waxyeellooyinkaas cadowtooyada ah ka indho iyo dhega laabteen, kuna taageerayaan Itoobiya isir-goynta ummadda Soomaaliyeed.

Baaq

1) Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iney ku midoobaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. soo celinta madax bannaanidoodana meel uga soo wada jeestaan, kana fogaadaan qabyaaladda iyo is kala qoqobka, sabir iyo dulqaadna u yeeshaan imtixaanka Rabbaaniga ah ee ay ku jiraan, lana yimaadaan asbaabaha lagu muteysto hiilka iyo gargaarka Eebe.

2) Waxaan annagoo ka tiiraanyeysan ummadda Somaaliyeed uga tacsiyeyneynaa, gaar ahaan eheladii ay ka baxeen dadkii ku naf waayey weerarradii dugaagnimada ahaa ee ay ciidamada gumeysigu ku laayeen qeyb kamid ah shacabkii ku dhaqnaa magaalada Muqdisho maalmihii dhowrka ahaa ee lasoo dhaafay. Alle waxaan ka tuugeyna inuu dadkaas jannadiisii geeyo kana aqbalo shahaadada, eheladii ay ka tageen iyo innagana sabir iyo iimaan inaka siiyo.

3) Waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka tageenba uga tacsiyeyneynaa culimadii iyo ducaaddii sida foosha xun cadowgu ugu laayey gudaha masjidka Al-hidaaya, ayna ugu magac dheeraayeen Sh. C/Laahi Maxamuud Ciise iyo Sh. Siciid Yaxye annagoo Ilaahay uga baryeyna inuu naxariistii janno ka waraabiyo shahaadadana ka aqbalo, ummadeennana ka sabirsiiyo, bedel iyaga kasii khayr badanna booskoodii u geliyo.

4) Waxaan xasuusineynaa shacabkeenna aabi-diidka ah, in xabashi aysan ka awood badneyn gumeystayaashii reer Yurub ee ay heeryadooda iska tuureen, iyagoo intan ka tiro iyo taag yar, haatanna looga baahan yahay uun iney yeelaan si la mid ah sidii ay waagaa yeeleen, maxaa yeelay xorriyaddii ay waagaa u dirirayeen ayaa nasiib darro maanatana maqan, waxaase nasiib wanaag ah in gumeystaha maanta jooga uusan la awood aheyn kii aan iska erinay waagaas, innana innagoon intaa keliya cuskaneyn aynu ka awood, aqoon iyo aragti dheer nahay sidii aynu waagaas aheyn.

5) Mareykanka iyo xulufadiisa kibir-ciyaaroyga ugu heellan, hurinta colaadaha iyo xasuuqa shucuubta taagta daran waxaan ugu baaqeynaa, inay ka waantoobaan taageerada millatari ee ay Itoobiya ku siinayaan baabi’inta ummadda Soomaaliyeed, annagoo ogeysiineyna, in shacabka Soomaaliyeed aysan laheyn awood khatar ku noqon karta amniga iyo masaalixda Mareykan iyo kan mandiqada toona, hase yeeshee ay Soomaalidu yihiin shacab sanado badan ay ragaadiyeen musiibooyin isugu jira kuwo Rabbaani ah iyo kuwo dad samee ah, sida abaaro, dowlad la’aan, fowdo, amni darro, sicir barar iyo faragelin shisheeye. Shacabka Soomaaliyeed ee ku jira duruufahaas ad-adag ma mudna umana baahna in dhibka heysta mid kale loogu daro iyo in lagu maalgeliyo, lagu hubeeyo, laguna eegto Itoobiya oo Soomaalida u qabta cadaawad soo jireen ah ujeedkeeduna yahay dabargoynta inta ka badbaadday musiibooyinkaas aan soo sheegnay.

6) Gumeystaha aan ood-wadaagga nahay ee naasnuujinta Mareykanka ku jooga Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa, inay tooda ugu turaan isaga bixitaanka Soomaaliya si aysan ragaadka isugu sii fogeyn, maxaa yeelay godobta ay ka galayaan shacabka Soomaaliyeed ma aha mid xisaab la’aan la isaga illaawi doono. Waxaan xasuusineynaa Itoobiya Ilaahay idankii cidda geeska Afrika isugu soo hari doonta iney yihiin annaga iyo iyaga, marka xisaabtanka la gaarana Mareykan uusan ka saari doonin, ayna bixin doonaan labanlaabka qiimaha waxa ay maanta Xamar ka geysanayaan.

7) Waxaan dhammaan dalalka iyo shucuubta muslimiinta ah ugu baaqeynaa iney walaalahooda Soomaaliyeed ee cadowgu gumaadayo u gurmadaan islana garab taagaan gargaar isugu jira hiil, hoo iyo Alle u bari, si ay kaalmo mooral iyo mid gacmeed uga geystaan badbaadinta jiritaanka baaqiga ka haray ummadda Soomaaliyeed.

8) Kooxda dabadhilifka ah ee sheegata iney yihiin dowlad Soomaaliyeed kuna mushahar qaata marmarsiinyo u sameynta joogitaanka Itoobiya iyo xasuuqidda shacabka Soomaaliyeed ee ay magacooda ku dawarsadaan, waxaan ogeysiineynaa iney ummadda Soomaaliyeed dayro ka yihiin, lagulana xisaabtami doono waxa lagala xisaabtamayo gumeystaha ay u adeegayaan.

Gabagabadii bulshada Soomaaliyeed waxaan ogeysiineynaa berri imaan doonta ineysan fogeyn, xaq ninkii lahaa ku raad joogana inuusan lumin, sidaa aawadeedna looga baahan yahay inay ku dhabar adeygaan baadidoonka xorriyaddooda iyo madax-bannaanidooda maqan.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa in Soomaali iyo muslimiinta kale ee dulman uu ka dulqaado dhibaatada.

Liiska saxiixayaasha bayaanka

1) Ciise Garaad Soofe Durraan
2) C/laahi Habane Muuse
3) Maxamuud Cabdi Galaydh
4) C/Laahi Ciise Oog
5) Col. Axmed Maxamed Kaarshe
6) Col. Cali Jaamac Yuusuf (Shiine)
7) Muxyaddiin Xasan Cali
8) Shukri Cabdi Shire
9) Boolo Maxamed Weheliye
10) Najmo C/laahi Jaamac
11) Dahabo Jibriil Iimaan
12) Xabiibo Maxmuud Garaad
13) Sh. Maxamed-Dayib Xuseen
14) C/Wahaab Salaad Xasan
15) Maxamed Xasan Cabdulle
16) Cabdi Xasan Cabdulle
17) Jaamac Faarax Xirsi
18) Cali Maxamed Xirsi
19) Bashiir C/casiis Maxamed
20) C/Naasir Axmed Khaliif
21) Maxamuud Xasan Ciid
22) Xanaan C/Laahi Aw- Muuse
23) Ammina C/laahi Maxamed
24) Macow Axmaddey Biiq
25) Sh. Maxamed C/Laahi (Casoowe)
26) Daahir Ibraahim Waasuge
27) Yaasiin Axmed Nuur
28) C/Qaadir C/Raxmaan Jaamac
29) C/Qaadir Cabdi Budul
30) Xaliimo Sahal Guuleed
31) Saynab Maxamed Axmed
32) C/Naasir Maxamed Cabdi
33) Cawil Geelle Xirsi
34) Fartuun C/nuur Maxamuud
35) Muna Maxamuud Xaashi
36) Fahmo Maxamed Axmed
37) Najmo Maxamed Xuseen
38) Xaawo Cali Xirsi
39) Sahra Guuleed Shabeel
40) C/Raxmaan Yuusuf Colhaye
41) Xaaji Daahir Cabdulle Butugey
42) Luul Bullaale Geelle
43) Maryan Cabdi Bullaale
44) Sahra Qamaruug Maxamuud
45) Axmed Cali Hiirad (Gaboobe)
46) Abuukar Sh. Jaliil
47) Abwaan Barre Maxamed Fiidow
48) Maxamuud Maxamed Jaamac (MMJ)
49) Axmed Maxamuud Cali
50) Khadra Xasan Geelle
51) Saynab C/Raxmaan Maxamed
52) Ubax Caydiid Ibraahim
53) Inj. Qowdhan Jaamac Xasan
54) Cadnaan Maxamuud Axmed
55) IbraahimCali Shiikh (Bustaale)
56) Axmed Cumar Faarax (Sanweyne)
57) Inj. Maxamuud Yuusuf Cali (Dhegaweyne)
58) Sacdiya Cali Xasan
59) Nadiifo Sh. Cali
60) C/Raxmaan Maxamed Cumar (C/Raxmaan-Yare)
61) Maxamed Xasan Warsame (Kubyar)
62) Xaliimo C/Laahi Cilmi
63) Faadumo Cali Cabdi
64) Cabdi Cali Sigad
65) Sh. Axmed Xabiib Ibraahim
66) C/Raxmaan Axmed Nuur
67) Sucaad Muuse Mayrane
68) Fardowsa Maxamed Xirsi
69) Faadumo Mahad Maxamed
70) Deeqa Mahad Maxamed
71) C/Nuur C/Laahi Maxamed (Kaarshe)
72) Cali Maxamuud Jimcaale (Sheekh Bakeeri)
73) C/Risaaq Nuur Budeeye
74) Jamaal Cigaal Faarax
75) Sh. C/Qani Qorane Maxamed
76) Xasan-dheere Cabdi Guraa
77) Maxamed Yuusuf Sahal
78) Cabdi Cumar Aadan
79) Abuukar Cismaan Koofurow
80) Amal Cabdi Cali
81) Ramla Cabdi Afrax
82) Nasra Ciise Xasan
83) Faadumo C/laahi Imaan
84) Ismahaan C/Raxmaan Maxamed
85) Maxamed-deeq Caddow
86) C/Risaaq Nuur Bakistaan
87) C/Casiis Maxamuud Warsame
88) Mahad C/Laahi Axmed (Xaaji)
89) C/Raxmaan Shaafici Khaliif
90) C/Risaaq C/Raxmaan Sanweyne
91) Shukri Axmed Warsame
92) Deeqa Axmed Warsame
93) Shukri C/Qaadir Axmed
94) Faadumo Jaamaca Xirsi
95) Nuuro Cali Shirdoon
96) Inj. Cumar Axmed Nuur
97) Maxamed Maxamuud Daa’uud
98) Shaafi Dhaqane Cigaal
99) Xasan C/Wali Sheekh Mursal
100) Xamdi Jaamac Faarax
101) Xamdi Cabdi Xasan
102) Asmaa Abuukar Cabbaas
103) Shariifo Diiriye Jaamac
104) Maxamed-Aar Yaasiin Cali-Barre
105) Cali Maxamed Cilmi (Dheel)
106) Khaalid Axmed Siciid
107) Aamina Axmed C/Laahi
108) Nimca Aadan Xaashi
109) C/Nuur Faarax Jaamac
110) C/Raxmaan Xuseen Cige
111) Maxamed Cabdi Waceys
112) Cali-Eel Cabdi Maxamed
113) Fowsiyo Cumar Cabdi
114) Cadar Axmed Warsame
115) Fowsiyo Maxamed Bashiir
116) Caasho Maxamed Xuseen
117) Luul Aadan Nuur
118) Aniiso Maxamed Aadan
119) Fowsiyo Xasan Cabdi
120) Caasho Maxamed xasan
121) Sahra Maxamed Maxamuud
122) Faadumo Maxamed Cali
123) Xaliimo Maxamed C/Laahi
124) Xaawo Axmed Sh. Cali
125) Faadumo C/Wali Caabi
126) Faadumo Maxamed
127) Bahjo Axmed Maxamuud
128) Najmo Axmed Maxamuud
129) Maryan Cumar Maxamuud
130) Faadumo Maxamed Bashiir
131) Nasteexo Cali sheikh
132) Saado Siciid Cabadalle
133) Sahra Maxamed Obokor
134) Inj. Axmed Jibriil Cabdi
135) C/Raxmaan Maxamed Iidle (Teelow)
136) Xasan Barre Diiriye
137) Sh. C/Raxmaan Maxamed Warsame
138) Inj. Mustafa Jaamac Maxamuud
139) Dr. C/Risaaq Cigaal Faarax
140) C/laahi Maxamuud Guddoomiye
141) C/Kariim Jaamac Cali (Jamaame)
142) C/Qaadir Maxamed Caqli
143) Maxamed Axmed Nuur
144) Farxaan Axmed Jaamac
145) Rashiid Cabdi Muuddeey
146) C/Raxmaan Xirsi Nuur
147) Waalid C/Casiis Axmed
148) C/Salaam Maxamed Axmed
149) Cismaan Janagale
150) Caadil C/Casiis Axmed
151) C/Casiis Maxamed Maxamuud
152) C/Naasir Maxamed Maxamuud
153) Axmed Cawil Dirir
154) Maxamed Qasim Maradheere (Malaaq)
155) Liibaan Rashiid
156) Xuseen Cumar Jire
157) Nuux Maxamed Faarax
158) Sh. Mustafa C/Laahi Aadam (Abu Rawda)
159) C/Naasir Xuseen Shuuriye
160) C/Raxmaan Maxamed Xuseen
161) C/Laahi Cali Maxamuud
162) Aweys Sheekh Yoonis
163) Amiin Macallin Cali
164) Cabaas Cabdi Cilmi
165) C/Raxiim Xaashi Ismaaciil
166) Aadan Sh. Xuseen Garaad
167) Dr Farah Rage Jama
168) Ugaas:-Husein Ugaas Musse
169) Dr Farah Rage Jama
170) Col:-Mohamod Adan Ali
171) Ustaad:-Ahmed yasin yasir
172) Garyaqaan:-.Ahmed_haadi Mohamed Ahmed
173) farhiya Jama Mireh
174) Kaltun Ali boulaleh
175) Aamina sheikh Mohamed Hasan
176) Khadijo Mohamed Roti
177) Khadra Abdirahaman mohamud
178) Khadra Husein Farah
179) Abdisalaam Warsame Dafar
180) Anisa Husein Farah
181) Dr: Mohamad Ali nor
182) Mohamud Colaad Cilmi
183) Ruqiya sh Abdi Barre
184) Faadumo Abdi Salah
185) Sahra Hasan Ahmed
186) Nimco Hasan Ahmed
187) Col:-Bashir Husein Jama
188) Caaqil:-Hasan adan gelleh
189) Sh Abdulahi Hanbali
190) Hawa Muhumad halane
191) Mohamed Abdulahi Hashi
192) Ceebla Abdi Mohamud
193) Ahmed Ali Gasle
194) Anisa Adan Dualeh
195) Hamse haaji Farah
196) Sh :Abdi shukri Ahmed
197) Abdirahman Mohamed Haaji
198) Bashir Jama Hasan
199) Abdulkadir Mohamed Ali
200) Farah Ahmed Abdulahi
201) Husein Hasan
202) Ahmed Ismail Mohamed
203) Mohamud Jama Abdulahi
204) Dr :-Mohamed Ibrahin Abdi
205) Dr. Osman Adan
206) Sahardid Afyare Garad
207) Mahdi Jama Moge
208) Ibrahin Muhyadin Roble
209) Ibrahin Osman Mohamud
210) Ahmed Husein nur
211) Abdala Mohamed Mohmud
212) Hasan Yousuf Ali
213) Sulub Cabdulahi Dirie
214) Hodon axmed Adan
215) Anab said guled
216) Liban husien jama
217) Ali osman
218) Fartun Muhumad Halane
219) Faysal Husein Abdulkadir
220) Abdizaiz Mocalin Omar
221) Ali Abdi Mohamed
222) Iman xuseen jama
223) Cawil cali kaar
224) Maslax Mohamed Gaanuf
225) Malyuun muuse
226) Hasan isak Suleman
227) Dahabo Abdulahi Abdi
228) Ahmed abdi Yusuf Cariri
229) Aweys Abdulahi hirsi
230) Khadra Awale roble
231) Abwaan:- Abdalla Yusuf Hanuniye
232) Ali Hasan Yusuf
233) Sacida sh Mohamed
234) Qamar Abdi elmi
235) Amran Qasim Dahir
236) Hodon Muxumad Halane
237) Istahil Adan Abdi
238) Sharifo Hasan Mohamed
239) Hodon Osman Yusuf
240) Sacdiya Mohamed Siraad
241) Habibo Husen Farah
242) Amina Abukar Abdi
243) Faysal Xuseen Abdi
244) Habibo Ali Gurxan
245) Khadra Mohamed Hirsi
246) Awil Ali Kulan
247) Sacdiya Mohamed Osman
248) Aamina Aadan Ali
249) Deqa Mohamed Osaman
250) Faadumo Bashir Husein
251) Ahmed Bashir Husen
252) Sahra Abdimalik Abdala
253) Amun Mohamed Hashi
254) Dahir Yusuf Hashi
255) Iftin sh Hasan aliyow
256) Duniyo Omar Indhaguduud
257) Mohamed Ismail h Adan
258) Maryan Mohamed Omar
259) Farxiya Mohamed Haaji
260) Khadra Husein Mohaamed
261) Ahmed Ali diriye
262) Dahir Jama Roble
263) Mohamedweli Hasan sh Ali
264) Seynab Dirir Ibraahim
265) Hasan Ibrahin Mohamed
266) Suldaan:- Mohamud Jama Abdulahi
267) Salaad Mohamed Ahmed
268) Abokor Cabdi Jaamac
269) Axmed Ibraahin sh. Cabdiraxmaan
270) Axmed Xasan
271) Axmed Xasan Xirsi
272) Cabdalle Maxamed Shafeey
273) Cabdikariin Macallin Maxamed
274) Cabdikaafi Aadan Warsame
275) Cabdiqaadir Axmed Cali
276) Cabdirashiid Sayid
277) Cabdirax,aam Cabdullaahi Xasan
278) Cabdiraxmaan Cawil Nuux
279) Cabdiraxmaan Muxumed Maxamed
280) Cabdirisaaq Amiin Cali
281) Cabdisalaan Axmed
282) Cabdisalaan Xasan Cilmi
283) Cabdullaahi Colaad
284) Cabdullaahi Maxamed Cige
285) Cabdullaahi sayid Axmed
286) Cabdullaahi Warsame Xasan
287) Sh. Cabiraxmaan Axmed Cilmi
288) Cali Warsame Xasan
289) Cali-nuur Yuusuf aadan
290) Ciise Cabdirisaaq Samatar
291) Cumar Macallin Xirsi
292) Faysal Cawad Jaamac
293) Faysal Maxamed Cali
294) Faarax Maxamed Cabdullaahi
295) Faarax Aadan Cali
296) Geedi Guuleed
297) Maxamed Abshir Nuur
298) Maxamed axmed yuusuf
299) Maxamed Bile Cabdi
300) Maxamed Cabdullaahi Faarax
301) Maxamed Cali-nuur Yuusuf aadan
302) Maxamed Aadan Rooble
303) Maxamuud Cumar
304) Muuse Faarax Jaamac
305) Nuux Xuseen Maxamed
306) Saciid Cabdiraxmaan Saciid
307) Siciid Maxamed Ciise
308) Siciid Maxamed Siciid
309) Xariir ibraahin Aadan
310) Xuseen Xasan Cali
311) Yuusuf Cali Jaamac
312) Aadan Yuusuf Cabdillaahi
313) Maxamed Jeelle Subeyr
314) Cabdulle Xuseen Maxamed
315) Maxamed Cabdi Cartan
316) Axmed Cabdulle Xaashi
317) Aaden cabdi Cumar
318) Ismaaciil Xuseen Axmed
319) Cabdullaahi Axmed Xeef tima-cadde
320) Cali Jaamac Maxamuud
321) Faysal Maxamed Xirsi
322) Cabdikariin Xirsi Salaad
323) Cabdullaahi Nuur Cawaale
324) Cabdiwali Qaasim
325) Liibaan Axmed Nuur
326) Iid Xuseen Xasan
327) Maxamed Xuseen Baaruud

Baaqan waxaa lagala xiriiri karaa
C/Qani Qorane Maxamed
cabdulqani@gmail.com

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: