Dowladda Masar oo ka hadashay xaalada cakiran ee Soomaaliya, iyadoo muujisay wal-walka ay ka qabto Jahawareerka Siyaasadda Soomaaliya.

Abuu Qeyd

Halkaan ka akhri

Xukuumada dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in ay wal-wal weyn ka qabto Xaaladda iyo dhibaatooyinka amaan darrada ka soo cusboonaaday dalka Soomaaliya, waayo arrintii xasuuqa ahayd ee dhawaantan ka dhacay magaalada Muqdisho  taas oo ay geysteen Ciidamada Gumeysiga Ethiopia.

Warkan oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in dagaalkii dhawaantan dhacay iyo kuwii ka horreeyeyba ay ku nafwaayeen Tiro gaareyso ilaa 100kun qof oo rayid ah, iyadoo dad fara badanna oo gaaraya ilaa 2milyanna ay ku barakaceen kuwaas oo u hayaamay goobo ka mid ah Dalka Soomaaliya gudihiisa iyo dibeddiisaba iyadoo u baqay naftooda.

Dott.Axmed Abu Qeyd oo ah  Wasiirka Arimaha Dibada Masar ayaa ugu Baaqay dhamaan garabyada ku hardamaya Soomaaliya in ay naftooda xakameeyaan isla markaana ay ka fogaadaan waxyaabaha waxyeelayn kara shacabka, ixtiraamaana xurmada ay leeyihiin guryaha iyo goobaha lagu cibaadaysto.

Sidoo kale Wasiirku ayaa ka codsaday dhamaan dhinacyada is-haya in ay ujeedsadaan fursadaha iyo dadaalada loogu doonayo sidii dib u heshiisiinta buuxda oo miro dhal ah loo gaari lahaa, taasoo ku imaan karta in ay weji ka wiji isu soo hor fadhiistaan dowladda KMG ah iyo xoogagga ka soo horjeeda.

Dott. Abu qeyd ayaa ugu Baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo ururo goboleedyada wax ku oolka ah in aysan is hortaagin fursadaha fara badan ee lagu Xaqiijinayo Nabadgalyada Soomaaliya.

Wasiirku wuuu carrabkiisa ku adkeeyey in shacabka Soomaaliyeed uu baahi weyn u qabo in mar uun amaan iyo daganaansho ka dhacdo dalkooda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii wasiirku wuxuu dhowr jeer ku soo celceliyey baaqiisii ku aadanaa in ay garabyada Soomaaliyeed si wanaagsan ula dhaqamaan dhex dhaxaadinta ay ka dhex wado Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in dowladda masar ay ka qeyb qaadanayso dhamaadka bishan lagu jiro kulanka ay iskugu imaan doonaan kooxda xiriirka Soomaaliyeed (contact group) .

SomaliSwiss Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: