Ciidan wata Gaari Cabdi bile ah oo katirsanaa Maleeshiyaadka dowladda KMG oo maanta ku biiray ciidamada Maxkamadaha.

Maleeshiyada DKMG

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga Sheikh Maxamuud Sh. Ibraahim Suuley oo lahadlayay Idaacadaha magaalada Muqdihso ayaa maanta sheegay in salaada Jimcaha kadib ay isu soo dhiibeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah, kuwaasi oo watay gaari Cabdi Bile ah oo uu qori saarnaa.

Sheikh Ibraahim Suuleey ayaa waxaa uu sheegay in ay garteen dhalinyarada maanta isa soo dhiibtay culeyska saaran shacabka Soomaalyeed kaasoo ay ku hayaan ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo Maleeshiyaadka DKMG ah.

“Aad ayaan usoo dhaweeynay ragaasi Maanta isa soo dhiibay waxaana ay ahaayeen 3 ruux iyo hal gaari oo cabdi Bile ah, waa dhalin yaro garatay dhibaatada heeysato shacabka Soomaaliyeed Alle ayeeyna utoowbat keeneen, waxaana ugu baaqeynaa kuwa kale ee hada labisan shaarka dowlada in ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed kusoo biiraan” sidaa waxaa yiri afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga Sheikh Ibaraahiim Suley.

Gaarigaan ayaa waxaa uu ka goostay dhinac waqooyiga Muqdisho waxaana saarnaa 3 ruux oo ka tirsana ciidamada dowlada KMG ah, waxaana ka hor inta aysan ka bixin waqooyiga Muqdisho uu xiriir dhexmaray iyaga iyo Xoogaga Maxkamadaha.

Dad goob jogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen gaarigan oo sida uu usoo socday istaagay isgooyska Huruwaay, halkaas oo ay ka kaxeeyeen laba nin oo watay labo moto waxaana ay afka aadiyeen dhinaca iyo Suuqa Xoolaha halkaasi oo ay miriqdooda ku dambeysay sida ay sheegeen goobjoogayaashaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

%d bloggers like this: