32 kamid ahaa Caruurtii ay qafaasheen Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo lasii daayay.

Caruur lasii daayay

Halkaan ka akhri

32 carruur ah oo ka mid ahaa carruurtii ay ciidamada gumeysiga Ethiopia ka kaxaysteen Masaajidka Al-Hidaaya, dagaaladii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho iyagoo mudo shan casho ah ku haystay xera ay lahaayeen ayaa maanta la sii daayay.

Carruurtan oo ka mid ahaa carruur ay ciidamada gumeysiga Ethiopia gacanta ku haysteen muddo shan maalmood ah ayaa maanta laga sii daayay xaruunta ay ula bexeen CID-da ee magaalada Muqdisho.

Afhyeenka ciidamada booliiska ee dowladda KMG ah ee la shaqeeya gumeysiga Ethiopia Cabdullaahi Ibraahim Shac-Shac ayaa sheegay in la sii daayay carruurtaasi kadib markii lagu waayay sida uu yiri wixii loo soo qabqabtay oo uusan faahfaahin ka bixin.

Carruurtaasi oo da’doodu ka yar tahay 15 sanno, ayaa ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ka kaxaysteen Masaajidka Al-Hidaaya, halkaasi oo ay arday Quraanka ku barta ka ahaayeen.

Qaar ka mid ah carruurta la kaxaystay ayaa weli lagu hayaa xarruunta CID-da, halkaasi oo ay maanta hor dhoobnaayeen qoysaska iyo ehelada dhashay carruurtaasi.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa waxey caruurtan u kaxeysteen maadaama ay ahaayeen caruur diinta barata, gumeysigana uu cadeystay in aysan qaadan karin wax layiraahdo wadaado iyo diin barasho intaba.

Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa waxey horey u xereen Masaajida iyo Dugsiya badan oo ku yaalay Magaalada Muqdisho, iyagoo ugu dambeyntiina si ula kac ah u qowracay Culumo aad caan uga ahaa Shacbi weynaha Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

 

%d bloggers like this: