Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Bay oo xilkii uu u hayay dowladda KMG ah iska casilay, kadib markii ay soo wajahday..

Baydhabo

Halkaan ka akhri

Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Bay oo xilkii uu u hayay dowladda KMG ah iska casilay, kadib markii ay soo wajahday amni daro ku aadan nafsadiisa.

Taliyihii ciidamada Booliska qaybta gobolka Baay Ibraahim Macalin Kutub ayaa xilkii uu u hayay dowladda KMG maanta iska casilay, xili laga dayrinayo xaalada amaan ee Magaalada Baydhabo.

Ibraahim Macalin Kutub oo ahaa Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Baay ayaa waxaA uu Shir Jaraa’id ku sheegay in xilka uu u yahay dowladda KMG ah uu gabi ahaanba dhigay isagoo sheegay in istiqaaladiisa uu u gudbiyay Madaxda sare ee dowlada, ayna sida dhaqsiyaha leh uga aqbalaan go’aankiisa.

Ma uusan cadeyn u jeedada dhabta ah ee ka dambaysay is casilaadiisa, balse waxa ay ku soo beegmaysaa xili ay xoogagga Muqaawamada Soomaaliyyed weeraro xoogan ka wadaan gudaha Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolada Bay iyo Bakool.

Iscasilaada taliyahaan ayaa ka danbeeysay sida wararka lagu helayo Hanjabaadyo kaga imaanayay Xoogaga Muqaawamada iyo waliba iyadoo ay sii kordheeyso xaalada Amaan xumo ee kasii dareysa Gobolka Bay.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa maalmihii ugu dambeysay waxa ay u muuqanaysay mid ka sii daraysa iyadoo halkaasi ay xarun u tahay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee u adeega gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: