Dalka Ingriiska oo hor dhigay Qaramada Midoobay qorshe Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay lagu geynayo Soomaaliya.

Qaramada Midoobay

Halkaan ka akhri

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in  Xubnaha golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ka hadli doonaan sidii loo faragalin loogu sameyn lahaa Arrimaha Soomaaliya,si si halkaas Ciidamo Nabad illaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay loo geyn lahaa .

 Qoorshahan ayaa la sheegay in dalka Ingriiska uu hordhigay Golaha Ammaanka ee QM, taasoo ka jawaabaysa dalabkii dowllada KMG ee ahaa in Soomaaliya loo soo diri Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay si loo badalo kuwa haatan ku sugan Soomaaliya oo ka socda Midowga Afrika.

Hase ahaatee dowllada Britain ayaa go’aankan ay soo saartay uu ku baaqayaa in cuno qabateeyn adag la saaro Kooxaha isku dayayay in ay xanibaan hanaanka nabada ee dalka Soomaaliya iyo kuwa u hanjaba Ciidamada Nabad illaalinta ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee, Golaha Ammaanka ayaa wuxuu Go’aankani weeydiisanayaa in ay taageeraan warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ee la xiriirta in howlaha ay saraakiisha QM ka wadaan Magaalada Nairobi loo wareejiyo magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo Joogitaanka iyo ka warqabka Saraakiisha QM ee Gudaha Soomaaliya.

SomaliSwiss Isha warka New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: