Cabdi Qeybdiid oo xaqiray in dad lagu laayey Masjidka Al-Hidaaya iyo magaalada Muqdisho oo dhan.

Cabdi Qeybdiid

Halkaan ka akhri

Taliyaha ciidanka Booliska dowladda KMG ee lashaqeeya gumeysiga Ethiopia Jen. Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa gabi ahaamba xaqiray in ay ciidanka gumeysiga Ethiopia ay Qowraceen dad rayid ah oo ku sugnaa Masaajidka Al-Hidaaya isaga oo ku sheegay in ay tahay wax dacaayad ah.

Hadalkan ka soo yeertay Cabdi Qaybdiid ayaa dad badan aad ula yaabeen, taas oo ay sababtu tahay in idaacadaha maxaliga, ilo wareedyo iyo culimada ku sugan Magaalada Muqdisho laga soo xigtay inay arinkaasi ay tahay wax sugan, ilaa hadda lama garanayo waxa ku kalifay arinkaas waana masuulkii 3-aad oo ka tirsan dowladda KMG oo dafira dhacdadii xanuunka badnayd ee lagu xasuuqay culimadii ku sugnayd Masaajidka Al-Hidaaya.

Cabdi Cawaale Qeydiid ayaa sheegay in ay jiraan dad laga soo qab-qabtay agagaarka Warshada Baastada, isaga oo tirada dadkaashi ku sheegay in ay yihiin 50 qof, iyadoo la ogyahay in ciidanka gumeysiga Ethiopia ay arday gaaraysa 41 qafaasheen si ay uga dhigtaan gaashaan.

Cabdi Qeybdiid ayaa waxa uu xalay u waramey Idaacada VOA, Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa uu ka mid ahaa Isbahaysigii lamagac baxay Ashahaada ladirirka ee ay ka saareen MMI magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

 

 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

%d bloggers like this: