Amnesty oo cambaareysay ciidamada gumeysiga Ethiopia in ay si ula kac ah u xasuuqday dad rayid ah oo weliba u badan culumo.

Dambiya dagaal

Halkaan ka akhri

Amnesty waxay ku cambaareysay ciidamada gumeysiga Ethiopia in ay si ula kac ah u xasuuqday dad rayid ah oo weliba u badan culumo.

Hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa si kulul u cambaaraysay ciidamada gumeysiga Ethiopia, iyadoo sheegtay in 41 carruur ah, ay Sabtidii ka qafaasheen Masaajidka Al-Hidaaya ayna wali haystaan.

Hey’adda ayaa hadalkeeda ku billowday in Nabadgalyada iyo badbaadada carruurtaasi, oo qaar kamid ah ay 9-jir yihiin, ay tahay mid aad u weyn, soona daayaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madax katirsan dowladda KMG ayaa Amnesty International u sheegay in ciidanka gumeysiga Ethiopia ay carruurtaasi ku hayaan saldhig ay ku leeyihiin waqooyiga Muqdishu, isla markaana ay sii daynayaan markii ay baaritaan ku sameeyaan.

Hay’adda ayaa intaasi ku dartay, Inkastoo naloo sheegay in qaar kamid ah carruurtaasi lasii daayey, haddana badankood ay wali u xiran yihiin ciidanka Ethiopia.

Amnesty International ayaa si kulul u cambaaraysay dilaka iyo bartilmaameedsiga dadka rayidka ah ee weerarkaas Masaajidka lagu waxyeelleeyey, 11 kamid ah 21 qof oo lagu dhex dilay Masjidka Al-Hidaaya.

Dadkaasi sida wuxuushnimada ah loo dilay ayaa waxaa kamid ahaa Imaamkii Masjidka Al-Hidaaya, Sheikh Saciid Yaxya, iyo Sheikh Cabdullahi Maxamud iyo xubno kale oo ka tirsan urur-diimeedka Tabliiqa.

Goobjoogayaal ayaa Amnesty u xaqiijiyay in dadka la dilay ay ahaayeen rayid aan hubeysneyn, oo aan waliba wax lug ah ku laheyn xasaradaha jira Toddobo kamid ah 21-ka qof ee la dilay-na waxaa Amnesty loo sheegay in la gowracay, taas oo ay hay’addu ku tilmaantay in ay tahay fal ka baxsan cadaaladda oo ciidammada Ethiopian-ku ay ka wadaan Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia ayaa dafiray in ciidankoodu uu dilkaasi ku lug lahaa, isagoo ku mar marsiyooday in ay dadkaasi dilkooda iyaga laheyn, balse ciidanka dowladda KMG ay kadambeeyaan.

Amnesty International ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqday inuu joojiyo la xisaabtan la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya, iyo waliba in la hirgaliyo Guddi Caalami ah ama wax u dhigma, oo baara xadgudubyada xuquuqda Aadanaha ee la gaystay intii ay dagaalladu socdeen dalka Soomaaliya.

Dhankoodana waxaa dowladda KMG ah iyo dowladda Ethiopia laga doonayaa in ay ogolaadaan in si madax banaan loo baaro dilalkaas, sidaas waxaa yiri Amneysty International.

Askarta Ethiopian-ka ah ee lagu helo inay masuul ka yihiin xadgudubyadaas-na waa in la horkeenaa cadaaladda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah, iyadoo aan dil kale loogu beddelin ayeey Amneysty hadalkeeda kusoo gabagabeysay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: