Xoogagga MMI
Halkaan ka akhri
Xoogagga MMI Soomaaliyeed ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku sugnaa Degmada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan.
Weerarka lagu qaaday ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa waxaa la sheegayaa in khasaaro xoogan loogu geystay, mar ay dhowaan soo dageen oo fariisin u ahayd.
Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa lagu soo waramay in uu dhaawac kasoo gaaray 2 qof oo rayid ah, kadib markii dagaalka uu soo gaaray gudaha magaalada Buula-Burde.
Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ciidamada gumeysiga Ethiopia ay kala garan waayeen halka laga soo galay iyo cida ay ladagaalamayaan.
Warar aanu kahelnay magaalada Buula-Burde ayaa sheegaya in ciidamada gumeysiga Ethiopia halkaasi looga gubay 1-Baabuur illaa 4 Askarina looga dilay dagaalkaasi.
Xaalada magaalada Buula-Burde ayaa ah mid degan, isla markaana ay dadka deegaanka bilaabeen in ay halkaasi isaga cararaan, iyaga oo ka baqaya in ciidanka gumeysiga Ethiopia ay dhib u geystaan.
SomaliSwiss Buula-Burde
Â
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.